C/kariin Qalbi Dhagax oo sheegay in DFS ayan raaligalin siinin (Aqriso hadal cajiib oo uu jabuuti ka sheegay)

Reading Time: < 1 minute

Dowlada uu hogaamiyo Madaxweyne Maxamed C/laahi Farmaajo islamarkaana uu R/wasaaraha ka yahay Xassan Cali kheeyre tan iyo markii ay hanteen hogaanka dalka waxaa ay sameeyeen falal badan oo gef iyo ceeb ku ah jiritaanka qaranka iyo Umadda Soomaaliyeed.

C/kariin Shiikh Muuse (Qalbi Dhagax) oo ah Muwaadin Soomaaliyeed ayeey si xoog ah ugu gacan geliyeen Itoobiya Sanadkii 2017, iyagoo waliba ku tilmaamay ruux argagaxiso ah ka dib kulan ay yeesheen golaha Wasiirada.

Shir ka dhacay Jabuuti oo ay kasoo qayb galeen ku dhawaad 150 oo ruux islamarkaana lagu casuumay C/kariin Shiikh Muuse Qalbi Dhagax ayuu ka jeediyay khudbad dhinacyo badan taabaneeysa,waxaana uu sheegay dhacdooyinkii uu la kulmay iyo sidii loola dhaqmay in ay ahaayeen falal xitaa ka fog Bani’aadminimada.

Waxaa la weeydiiyay C/kariin Shiikh Muuse Qalbi Dhagax in ay lasoo hadleen dowladii u gacan gelisay Itoobiya iyo in kale islamarkaana ay raali-gelin siiyaan waxaana uu yiri’’ wax raali ahaansho ah oo ay isiiyeen ma jirto ilaa iyo hadda, waxaana wali uahay nin argagaxis ah’’

C/kariin Shiikh Muuse Qalbi Dhagax ayaa waxaa uu mar kale ku celiyay in uusan Magaalada Muqadisho oo ah halka uu ugu jecel yahay dhulka Soomaaliyeed uusan tageeynin inta ay xukunka hayo  R/Wasaare xassan Cali Kheeyre.

Shacabka Soomaaliyeed ayaa si xoogan uga welwelsan talaabooyinka qaabta daran ee dowlada federaalku ku kaceeyso,waxaana hadalka C/kariin Shiikh Muuse Qalbi Dhagax uu imaanayaa iyadoo maalmo uun ka hor muwaadin kale si awood ah looga adeegsaday Itoobiyaan, Shiikh Mukhtaar Rooboow.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!