C/kariin Cali Kaar oo diidan in uu xilka ku wareejiyo Gudoomiyaha cusub Ee Howlwadaag!!

Reading Time: < 1 minute

Dhawaan Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho C/raxmaan Cumar Cusmaan Yariisoow waxaa uu xilka ka qaaday C/kariin cali kaar oo ahaa gudoomiyahii degmdaasi waxaana xilkaasi loo magacaabay Mahad Cabdi caraalle oo ka mid ahaa shaqaallaha Maamulka Gobolka Banaadir.

cabdi kariin Cali kaar ayaa lagusoo waramayaa in uu diiday in uu xilkaasi wareejiyo,ilaa iyo meel madaxa loogu geliyo beesha uu ka dhashay ee hilibi ayaa arintaan aad ugu ololeeyneeyso.

Xaflada Xil wareejinta oo ay aheed in la qabto Todobaad uun gudaheed ayaa hada dib u dhacday in ka badan laba todobaad waxaana arinkaani lagu sababeeyay in cabdi kariin Cali kaar  ku dhegan yahay.

Mahad Cabdi Caraale oo ah gudoomiyaha Cusub ee Degmada Howl-wadaag oo magacaaban in ka badan labo isbuuc ayaana tegin ilaa iyo hadda xafiiska loosoo magacabaay

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!