C/fitaax oo Aroos ahaa waxuu Xubintiisa Taranka Ku Waayay Qarax ka dhacay Muqdisho!!

Reading Time: < 1 minute

C/fataax C/llaahi Cali waa Wiil dhalinyaro ah oo Lugtiisa iyo Xubintiisa Taranka ku waayay Qaraxii 23-kii February ee sanadkaan ka dhacay Isgoyska KM0,wuxuuna markii shilkaasi uu galayay ahaa aroos saddex bilood ah.

Guddoomiyaha Ururka Haweenka Gobolka Banaadir Jawaahir Baarqab,iyo qaar ka mid ah Hooyooyinka Soomaaliyeed ayaa Cisbitaalka Keysaney ku booqday halkaasi oo lagu baxnaaninayo.

Xaaska C/fitaax oo lagu magacaabo Sahra ayaa sheegtay ineysan wali ka quusan rajada Ninkeeda,islamarkaana ay arki doonto maalin un ayuu wax isku dhalay.

Xaalada Wiilkani dhalinyarada ah ayaa la sheegay inaan waxba looga qaban karin gudaha dalka.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!