C.casiis Xildhibaan oo sheegay Sababta uu isku Casilay Asigoo Banaanka soo dhigay beenta Wasiir Islaaw(video)

Reading Time: < 1 minute

Maxamed Abuukar Islow (Ducaalle)  Wasiirka Wasaaradda amniga xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa xilka ka qaaday C/casiis Cali Ibraahim (Xildhibaan) oo ahaa  Afhayeenkii Wasaaradda amniga ,Qoraal ka soo baxay Wasaaradda amniga ayaa waxaa lagu sheegay in warqada xilka qaadista Afhayeenkii Wasaaradda amniga ay soo baxday 5 bishan July balse aanan warbaahinta lala wadaagin.

Afhayeenka xilka laga qaaday ee C/casiis (Xildhibaan) ayaa dhankiisa sheegay in been abuur ay tahay xilka qaadistiisa inay soo baxday 5-tii bishan balse isaga uu Wasiirka amniga u gudbiyay iscasilaadiisa 7-duu bishan oo beegneyd maalinkii uu dhacay weerarkii Otto Otto.

“Anigoo ka jawaabaya qoraal uu isoo gaarsiiyay Xogheynta Wasiirka Amniga oo ku saabsan qoraal la been abuuray inuu soo baxay 5-tii bishan July in la iga qaaday xilka Afhayeenka Wasaaradda Amniga, waxaa shacabka Soomaaliyeed u xaqiijinayaa inaan xilkaas iska casilay 7-dii bishan, kaddib markii weerarka lagu soo qaaday Xarunta Wasaaradaha Arrimaha Gudaha iyo Amniga”. Ayuu ku yiri C/casiis Xildhibaan kadib qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebooka.

Dadka siyaasadda falanqeeya ayaa sheegaya xilka qaadista C/casiis (Xildhibaan) inay soo da dejisay kadib kulan uu shalay ka qeyb galay, halkaasi oo uu ka sheegay in aan wax la aqbali karin ay tahay sida ay ku suura gashay weerarkii lagu qaaday xarunta Otto Otto, iyadoo la xiray jidadka.

R/wasaaraha Xukumadda Federaalka ah ee soomaaliya iyo qaar ka mid ah Golahiisa wasiiradda oo uu ka mid yahay Maxamed Abuukar Islow (Ducaalle)   Ayaa waxaa ay ku mideeysan yihiin aragti ah in Xilka laga qaado shaqsigii Dhaliila Dowlada ee xubin k ah,waana sababta keenta in Haye raac ay noqdaan Intooda Badan.