Sharif Xasan iyo Cumar Cabdirashiid oo maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa magalaada Nairobi ayaa kulamo xasaasi ah la qaadatay qaar kamida saraakiisha sirdoonka dalka Kenya iyo saraakiil ka tirsan dalka Kenya.
Sida MOL ay u xaqiijiyeen ilo xog’ogaal ah kuna dhaw Midowga Musharaxiinta, Sharif Xasan ayaa fartiin uu ka waday Midowga Musharaxiinta, gaar ahaan hogaanka musharaxiinta gaarsiiyay dalka Kenya. Qorshaha ayaa markii hore ahaa in Shiikh Sharaif iyo Cabdiraxmaan Cabdishakur tagaan magaalada Nairobi, laakiin markii warkaas baxay oo lagu baahiyay baraha Bulshada, ayaa waxa la soo diray Sharif Xasan in uu wakiil uga noqdo shirarka ka dhacaya Nairobi.
Kulumada uu hogaanka u hayo Cumar Cabdirashiid ayaa looga hadlayaa sidii Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo uu waqtigiisa dhamaaday , xukunka looga wareejin lahaa. MOL waxa loo xaqiijiyay in Shiikh Sharif iyo Cabdiraxaman Cabdishakuur ay shirarka qaar qadka taleefanka uga qaybgalaayeen.
Dhanka kale Sharif Xasan ayaa dhankiisa sheegay in loo baahan yahay lacag deg-deg ah oo loo adeegsado mudaaharaadka la filayo in maalinta Jimcaha uu ka dhaco magalaada Muqdisho. Midowga Musharaxiinta ayaa waxaa la soo daristay dhaqaale xumo keentay in ay bixin waayaan deeymo horay loogu lahaa.