Buurmadow oo Bohol ka dhacay si uu Xoogaa Sandareerto ah uga helo Itoobiy

Reading Time: 3 minutes

Cismaan Aw-Maxamuud oo lagu naaneyso Boqor Buurmadow ayaa afka furtay kuna hadaaqay waxyaabo lala yaabo oo been u bandnaa waa ka soo yeereen. Sababta aqoraalkan maaha aha in isaga loo jawabo laakiin waa in dadka Somaliyeed wixii run ah loo sheego si waqtigan adag aan dadka la marin habaabin oo ruuxii xoogaa sandareerto helaba uusan Somalinimada iyo dhaqanka suuban meel uga dhicin.
Buurmadow waxaa uu ka soo jeedaa mid ka mid ah beelaha Somaliyeed kuwooda ugu dhaqan wanaagsan marka ay runta gaartana yaqaanna halka ay xubintu ka go’odo.
Buurmadow waa shakhsi gabidhacleynta iyo dabeecadda geed ururleyga (Jirjiroole) lagu yaqaan ama leh dabeecadda gabbaldayaha oo kolba dhinicii ay cadcadeeddu xigto u wareega, waana dadka loo yaqaanno “ igu shubo aan kuu sheegee”
Maanta waxaa uu taageeray in dhul Somaliyeed loo xalaaleeyo Itoobiya min Lugahaya ilaa Addis Abeba dhul isku xerana laga gooyo Somaliland, sidoo kale Saldhig Ciidan badeed oo dadka Somaliland aan loo sheegin oo isagana intaas KM ah badda gudaheeda ah la xalaaleysto illeyn ciidan badeed oo maraakiib leh dakadda ma fa dhinayaane.
Waxaa uu hadlkiisa ku bilaabay inuu been ka sheego Madaxdtooyada Somaliya oo aan hoos ku faahfaahin doonno runteeda iyo in uu dhaliilo dowladda Somaliya si uu dadka uu uga jeediyo qaddiyadda dhulboob.
Buurmadow oo xogaagiisa loo soo tuuray maadaama sidaas uu ku nool yahay ayaa lagu amaray inuu ka qeyb qaato olole ballaaran oo ay hadda Itooobiya u qoondeysay lacag dhan $10 milyan, kaas oo lagana bilaabayo Somalida dhexdeeda ( Kililka iyo Jamhuuriyaddaba) iaydoo ujeeddau ay tahay in Somalida la isku diro loona kala warramo, iyadoo laga faa’iideysanayo wax alla wixii tabasho dhexdeeda oo jira.
Buurmadow waxaa ugu soo hormaray dadka la adeegsan doono hadalkiisana waa bilow oo wax badan ayaad ka maqali doontaa sidoo kale kaligiis maaha kuwa badan oo noocyo badan ayaan maalamaha soo socdaa maqli doonnaa.
Runta Madaxdtooyada oo u sheegay inay hal reer wada yihiin marka hal qof laga reerbo waa tan akhriste ee ka bogo. Ma rabno inaan shakhsiyaad magacyadooda halkaan ku qorno, laakiin waa sidaa:
1. Madaxdtooyada Somaliya waxa leedahay 9 agaasime oo ay beelaha Somaliyeed kuwad jiraan sida 5ta beelood ( maya 4.5) ee Somaliyeed waliba waxaa ka mid ah laba agaasime oo uu adeer qabiil u yahay Buurmadow oo markii uu tirinayey uu illoobay inay ka soo jeedaan beeshiisa hoose, misa inay Xamar ku nool yihiin ayuu beesha uga saaray.
2. Nadaxweynaha waxaa u hawl gala 12 La taliye oo hawlaha madaxdtooyada gacanta ku haya, la taliyaha sare ee MW Xasan Sheekh waa gabar uu Buurmadow adeer yahay oo la taliyashaasha shaqo ahaan ay hoos tagaan, sidan ayeyna u qeysan yihiin: 5 dir (4 Isaaq) ah, 4 Daarood ah, afarta hartayna Somalida kale ayaa loo qeybiyey, bal odayga been sheeg laakiin mid aan laga daba tagi Karin Somalida u sheeg, Sandareertadana iska qaado markaas.
Hadaba oday Buurmadow sow ma habooneyn xelligaan adag inuu hunguri xabashi uga iman lahaa uu meel iska dhigto oo uu Somalinamada eego. Maanta oday dhaqameed, aqoonyahan, siyaasi, culimo iyo caamo waa labo aan seddexan lahayn oo waa ruux Somali ah oo nala jira ama waa cadowgeenna oo Itoobiya la jiro.
Somaliyey duqii Buurmadow maraa ka dhacday ee ciddii qabashadiisa leh hala hadasho, waana Sharaf iyo milgo iyo mansab kastaa uu ku mudan yahay Maxamed Xayir Maareeye oo ay dhibtay xaaladdaan inuu adeerkii doc ka yeer noqdo. Marka Mahadsanid maareeye ayaan leenahay. MW Adan Cadde ahn ayaa laga hayaa xikmaddaan maalinba u ruux ku sifoobayo “Somalida raggeeda ha kala barato”