Buurmadow & Mahdi Guled oo qadiyadii Somaliland god ku riday! Hawiye oo wadatashi u socdo

Reading Time: < 1 minute

Shacabka ku dhaqan Koonfurta Soomaaliya ayaa waxa ay in mudo ah taageero garab iyo hiil ah la garab taagnaayeen shacabka Somaliland, iyada oo magaaladda Muqdisho noqotay  xarun ay ku soo cararaan siyaasiyiinta reer Somaliland marka ay dhibaato soo wajahdo.

Waxaa magalaadda Maqdisho si diiran loogu soo dhaweeyay Boqor Buur Madoow kaas oo sheegtay in uu ka soo goostay Somaliland laakiin waxa hada  muuqata in uu imaatinka Muqdisho uu  ka mid ahaa qorsho laga soo abaabulay Hargeysa iyo wadamo kale, kaas oo ujeedadiisu lagu fasari karo oo kaliya in Soomaaliya dib loo galiyo dagaal Sookeeye.

Hadaba isbaheysiga siyaasadeed ee la doonayo in looga dhawaaqo magaaladda Baydhbo  ayaa ah mid la sheegay in lagu mideynayo Beelaha Koonfur Galbeed iyo kuwa reer Waqooyiga ah si ay u taageeraan Farmaajo.

Ujeedka isbaheysiga ayaa lagu sheegay in  wax looga badalo saami qeybsiga siyaasadeed ee Soomaaliya, xilli labada xil ee Ra’iisul Wasaaraha iyo madaxweynaha ay Hawiye iyo Daarood kala qaataan.

Laftagareen ayaa dhanka kale doonayo inuu shirka u badalay olole loo sameynayo dib u doorashada madaxweyne Farmaajo. Waxaa shirkaas lagu casuumay madaxweyne Farmaajo, Fahad Yaasiin iyo Cabdullaahi Aadan Kulane.

Dhowr jeer oo hore oo la isku dayey in la badalo saami qeybsiga kuraasta sare ee dalka laguma guuleysan, sababtuna waxaa loo arkaa in labada beelood ee inta badan qeybsata xilalka madaxweynaha iyo Ra’isul wasaaraha ay mid walba ku adag tahay inay ka shaqeyso majaxaabin beeleysan oo beesha kale ka dhan ah.