Buurmadoow oo cafis weydiistay Somaliland, codsadayna inuu ku noqdo Somaliland

Reading Time: < 1 minute

Boqor Cismaan Maxamuud Buurmadoow oo mudo dheer dalka uga maqnaa mucaaridad fogaatay ayaa haatan la sheegay in Muuse Biixi uu ka dalbaday cafis. Buurmadoow ayaa qaatay dhaqanka siyaasiyiinta iyo dhaqanka Somaliland ee u soo shaqo tago koonfurta Somaliland.

Kooxdaan ayaa marka ay lacag iyo darajo siyaasadeed ka helaan Koonfur Soomaaliya dib cafis u weydiista madaxda Somaliland, mar hadii ay danihii dhaqaale iyo tii siyaasadeed ee ay ka lahaayeen Koonfurta Somaliland ay ka gaareen.

Boqor Buurmadoow ayaa waxa hore loogu bartay isbedbedel siyaasadeed ayaan haatan u muuqan mid saameyn ku yeelan kara mucaarida ka dhex aloosan beesha bariga Sanaag iyo guud ahaan Somaliland.

Dhanka kale waxa fashil uga yimid siyaasadeed Somaliland isaga oo dhaqaale badan ka qaatay Xasan Cali Kheyre kaas oo ku fashilmay.