Buurmadaw & Musharax CIRO oo ku kulmay Itoobiya! Maxay kawada hadleen

Reading Time: < 1 minute

Boqorka Cismaan Aw Maxamuud Maxamed (Buurmadow) oo kamid ah madax dhaqameedka ugu miisaanka culus geyiga Soomaalidu degto, iyo Murashaxa Xisbiga xisbiga WADDANI Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ayaa kulan gaar ah ku yeeshay Magaaladda Addis Ababa ee caasimadda Waddanka Itoobiya.

Wali ma cada qodobada ay kawada hadleen labadan masuul, balse xogaha hordhaca ah  ayaa sheegaya in labada masuul kawada hadleen xaalada siyaasadeed ee Somaliland wakhtigan ku sugantahay, taasi oo ka dhalatay khilaaf ka taagan doorashooyinka Somaliland.

Boqor Buurmadaw ayaana kamid ah dadka sida adag udhaliila siyaasada Muuse Biixi oo isagoo dhawr jeer sheegay in Muuse ubaahanyahay in laga qabto dalka.

Dhaka kale kale Boqor Buurmadoow ayaa siyaasada ahaan ku biiray siyaasadaha isdiidan ee Muqadisho isaga oo dhaqaale ku qaatay sidii uu saameyn ugu yeelan hogaanka dalka Soomaaliya. Boqor Buurmadoow ayaa ah shaqsi aan hishoonin marka ay timaado dhuuni raacnimo iyo beecinta sharafta iyo karaaamada shacabka iyo umadda Somaliland.