Buuq Iyo Balan kabaxyo Ka Dhex Taagan Xildhibaanadii Fuliyay Mooshinka Jawaari Iyo Raii’sul Wasaare Kheyre

Reading Time: < 1 minute

Wararka soo baxaya ayaa sheegaya in Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre uu balanta kaga baxay Xildhibanadii ka shaqeeyay qorshahii lagu ceyriyay Gudoomiyihii hore Golaha Shacabka Maxamed Shiiq Cismaan Jawaari.

Kheyre ayaa u balanqaaday Xildhibaanadan inuu ka taageeri doono qorshooyin ay qaarkood u soo bandhigeen oo ay ka mid aheyd inay bedelaan kursiga Jawaari, balse Xukuumadda Soomaaliya ayaa awoodeeda isugu geyneysa Wasiirka Gaashaandhiga oo u sharaxan xilkan guddoonka golaha Shacabka.

Xildhibaanada uu balanta kaga baxay Kheyre ayaa sameysanaya Isbaheysi iyagoona hal musharax iska soo dooranaya si tartan adag ula galaan shaqsiyaadka ay wataan Madaxda dalka.

Si kastaba ha ahaatee Olole mideysan ayaa ka socda Madaxtooyada iyo Xafiiska Ra’iisul wasaaraha, waxaana ka go’an shaqsi fahmi kara siyaasadda Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha in la keeno.

Xildhiibanada Carooday aya la shegaya in ay haatan qaban qaabaada ay joojin lahayeen Musharaxa Xukuumada Soomaaliya ay wadato ee Wasiirka Gaashandhiga Soomaaliya Maxxamed Mursal.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!