Wasiirka Amniga maamulka Koonfur Galbeed Isaaq Cali Subag ayaa sheegay in maamulka Koonfur Galbeed ay dayactir ku bilaabi doonaan Buundada Magaalada Bariire ee gobolka Shabeellaha Hoose.
Waxaa uu sheegay Wasiirka Amniga maamulka Koonfur Galbeed in Boondada ay qarxiyeen Al-Shabaab ka dib markii Ciidanka dowladda ay degaankaasi ku qaadeen weerar Sanadkii 2017-ka.
Dadka iyo gaadiidka ayuu sheegay in ay muhiim u tahay maristooda, islamarkaana maalmihii ugu dambeeyay ay ka taaganaayeen dhibaatooyin culus.
Gudoomiyaha gobolka Shabeellaha Hoose Ibraahim Cali Aadan ayaa dhankiisa sheegay in ay keeneen Buundada Injineero loogu tala galay in ay dib u habeyn ku sameeyaan.
Ugu dambeyntii waxaa uu tilmaamay in dhisidda Buundada ay keeni karto in Al-Shabaab laga saaro dhammaan degaanada ay kaga sugan yihiin gobolka Shabeellaha Hoose.