Sida qofkasta oo caqli leh u cad dawldda Federaalka waxay si degdeg ah u bilowday inay burburiso dhammaan dawlad goboleedyada, waxaana muuqata in barlamanka uu raalli ka yahay maaddaama aysan jirin xubno ilaa iyo hadda ka dhiidhiiyey dambigaan Qaran.
waxaan shaki ku jirin in qofkasta oo Somali ah uu dalka jecel yahay, laakiin waxaa lagu kala duwan yahay sidee loo horumariyaa waddadeesa la qaadaa. Hogaanka maanta jiraa way jecel yihiin dalka laakiin waxaa u muuqda waddo khaldan oo ay u arkaan in dalkan lagu ilaalin karo. Mdaxweyne Farmajo aragtidiisa ayaa ah in dalka la hoosgeeyo Itoobiya si dhibkeeda looga nabadgalo. Kheyre waxaa uu u arkaan inay wax ku wanaag sanaanyaan in dadka Xamar u badan madaxa cagta laga saaro.
Dhinaca kale, Labada hogaamiye waxay xal u arkaan In la kala qeybiyo dadka Somaliyeed oo lakala hayo halkii laga mideyn lahaa, waxay xal u arkaan in xoog la isticmaalo halkii wadahadal iyo walaalnimo laga isticmaali lahaa, waxaa u muuqda danahooda waxyna diyaar u yihiin inay ku gaaraan waddo kasta, waana wax keenaya in dad badan oo shalay Farmajo ku faraxsanaa ay ka soo horjeedaan maanta.
Wax badan aaaa hosta ka gubanaya oo aysan dawladdan arkin. Haddii ay meel dalka kamid ka bilaabato in laga bannaanbaxo waxaa is qabsanaya dalka oo dhan waayo dadka waa cabursan yihiin waxayna sugayaan in loo bilaabo oo kaliya waxayna Farmajo iyo Kheyre baraarugayaan iyagoon baxsan Karin oo Madaxtooyada loogo soo galo.
Xidhibaanno iyo qaar ka mid ah madaxda dalka oo ay MOL la hadashay waxay noo sheegeen inay qabaan cabsi xun oo ah in hal mar ay qaraxdo waliba magaaladaan caasimadda ah oo meel looga baxo la waayo.
Dhibaatooyinka dawlad goboleedyada?
K/Galbeed
Dawladda Federaalka ah K/Galbeed waxay ku haysaa gacan xoog leh oo waxay isku dayeysaa inay xaqooda ka xayuubiso oo ku khasabto inay doortaan, maaha in loo saaro, ee waa inay iyaga gacantooda ku doortaan kii kala dili lahaa oo u sabab noqon lahaa in la isku diro oo ay is laayaan. Farmajo iyo Kheyre waxaa ka go’an inay Baydhabo ka taagaan dawlad goboleed ay iyagu gacanta ku hayaan oo amarkooda ku shaqeysa.
Galmudug
Waxaad og tihiin waxa Galmudug lagula kacay oo waxaa loo kal jebiyey laba garab oo kala fadhiya Cadaado iyo Dhuusamareeb, si hawsahaas loo fuliyana waxaa la adeegsaday dhuuniqaatayaal iyo lacag xoog looga ururiyey kuwa aan wax u damqadaa jirin ee Gobolka Banaadir ku nool. Waayo malaha wakiil iyo cid laga wareystaa waa xoolo bisil oo markii loo baahdo la qasho.
Galmudug sannadka soo socda waa ku deysay oo waxaa la marsiinayaa jidkii horay loo marsiiyey Hirshabeelle haddana lagu wado K/Galbeed oo la leeyahy ma tashan kartaan ee waa in la idiin talinayaa.
Puntalnad
Puntland oo ahayd hooyadii federaalka Caawa waxaa ku dhowdahay inay qoryaha isu qaadato, kadib markii lacag badan lagu shubay oo lagu bilaabay inay is qabqabsato marka hore. Camey oo Xamar looga yeeriyo alif Ba’ada ayaa durbaba ka horyimid Cabdiweli Cali Gaas oo ku yiri sidee ayaa guddi u magacowdaa adigoon fasax ka haysan Kabiirka NN. Kabiirka haddey qas tahay ama kharbudaad tahay anigaa ugu wakiil ah oo gudddigii aad magacowday kan uu kabiirka ii yeeriyey ayaa la soo barbardhigayaa. Horay waxaa loo geeyey Lacag iyo gawaari aan xabbadu Karin oo la siiyey mid ka mid u tartaamayaasha burburinta hooyada Federaalka oo ah halka ay fidnada Federaal la yiraahdo ka soo bilaabatay ayaa laga hayaa Farmajo. Ma Cismaan Maxamuudbaa? Ma Ciisaa? Ma cumar kalaa? Ma calibaa? ma cid kala? Car wax aan aniga raalli ka hayn doorta ayey joogtaa. Hooyadii Federaalka caawa Iyana waa sidaas.
Jubbaland
Waxaa intaa hoosta laga shidayaa xildhibaanno la rabo in dab loo dhiibo si ay u gubaan guryahooda. Maalamahan waxaa soo yeerayey eedeyn qorsheysan oo loo jeedinayey Axmed Madoobe oo isagana loo wado halkii Shariif Xasan inuu maro oo uu waxiisa iska qaat. Xogta ay MOL heleyso waxay sheegeysaa in Xildhibaan Maxamed Nuur Buulle oo kamid ah xildhibaanada baarlamanka Jubbaland uu ku eedeynayo madaxweyne Axmed Madoobe inuu ku hayo handadaad iyo cago jugleyn joogto ah, waxii ka dambeeyay markii ay baarlamaanka ka celiyeen guddi xuduudeed la doonayay in loo sameeyo Jubbaland.
Arrimahan oo marka la isu soo celiyo u muuqda inay yihiin bartii laga amba qaadi lahaa qasidda iyo xaalad abuurka Jubbaland si ay ukala daadato.
Haddaba iyadoo kooban waxay tahay in dawladda uu hogaamiyo Maxamed Cabdullahi Farmajo ay taariikhda ku gali doonta dawladdii burburisay Federaalka, laakiin dowlad dhexe oo sal adagna dhisiweyday oo dalka uga tagtay isagoo kala daadatay oo aysan cidi cidi xukumin.
Ugu dambeyn, xoga qarsoon ayaa sheegaya in Fahad iyo Farmajo ay karinayaa barnaamij cusub oo talada gacanta loogu gelin doono koox ay horboodayaan labadooda taas oo u janjeerta dhinaca Itoobiya, wadaaddana aysan ka maqneyn oo maamulka mar hore wax laga siin doono. Waxaanu dalka Somalya ku dambeyn doonaa inuu dal ahaan baaba’o laakiin qowmiyad ahaan uu wax xoogaa sii jiro.