Bulshada ku Dhaqan Hargeysa oo Dhibato Ku Qaba Biyo Fadhisidyo Hareeyay Magalada oo Qasaaro Nafeed Dhaliyay

Reading Time: < 1 minute

Wararka ka imanaya Magalada Hargeysa ayaa waxa ay sheegayaan in Goob bulaacado ah oo ay biyihii roobka fariisteyn oo halkaasi ku taalla uu ku geeriyooday ruux ku dabaalanayay kadib markii la bad baadin waayey.

Ciidamada Damdemiska Magalada Hargeysa ayaa Ruux u gurmaday balse ay bad baadin waayeen kadib markii uu ku dhacay godweyn oo ku yaalla goobta bulaacada ah oo uu ku dabaalanayay.

Qofka geeriyooday oo rag ahaa aya Ciidamada damdemiska Soomaaliland ugu dambeyn ay Meydkii ka soo saareen goobta bulaacada ah ee Magalada Hargeysa.

Ehelada ruuxa geeriyooday iyo saraakiil ka tirsan ciidamada booliska Soomaaliland ayaa ku sugnaa goobta howlgalka lagu soo saaray meydka,iyadana ugu dambeyn la’aasay.