Brundi oo u ololeeynaysa in ciidankeeda Soomaaliya waqti kordhin loo sameeyo

Reading Time: < 1 minute

Wadamada ciidamada ka joogaan dalka Soomaaliya oo u ololeeynaya in ciidamadooda ka joogo Soomaaliya ay ku sii nagaadaan dalka Soomaaliya. Dhanka kale dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa ka codsanaysa in deeq bixiyayaasha taakuleeya Ciidanka ATMIS ee  Soomaaliya ka howlgay inay taageeraan qorshaha  DFS ee waqti kordhin gaaraysa  ilaa 2-5 sano loogu sameeynayo ciidanka ATMIS.

Hadaba dowlada Burundi ayaa kamida dowladaha u ololeeynaya in ciidamadooda sii joogaan dalka Soomaaliya madaaama mushaar fiican ku qaataan joogitanka dalka Soomaaliya. Qorshaha beesha caalamka ayaa ahaa in sanadka soo socda 2024 la soo afjaro joogitaanka ciidamada ATMIS ee dalka Soomaaliya, ciidankaasna laga bilaabo ciidanka Brundi.

Hdabada waxaa Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya haatan ku sugan wafdi ballaaran oo uu hogggaaminayo wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Burundi, Mudane Albert Shingiro, kaas oo Axaddii lagu soo dhoweeyay garoonka Muqdisho.

Wafdigan ayaa waxaa sidoo kale qayb ka ah General Silas Ntigurirwa oo ah la-taliyaha Madaxweynaha Burundi ee dhanka Ciidamada, kaas oo u yimid kormeerka ciidankooda.

Wasiir Albert Shingiro ayaa waxaa Muqdisho ku soo dhaweeyay dhiggiisa Soomaaliya, Abshir Cumar Jaamac (Huruuse) oo ay yeesheen wadahadallo gaar ah.

Labada mas’uul ayaa kulankooda diiradda ku saaray taageerada xagga ammaanka ee Burundi ay siiso Soomaaliya, iyagoo qayb ka ah hawlgalka ATMIS. Brundi ayaa ka codsaneysa i dowlada Soomaaliya  taageerto joogitaanka cidankooda ee dalka Soomaaliya.

Wafdigaan ayaa  la sheegay in la wadaagi doonaan dhanbaal ay ka sidaan madaxweynaha Burundi Évariste Ndayishimiye, si ay u gaasiiyaan madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.