Kulan degdeg oo aanan horay loo shaacin ayaa uga socda guriga Cali Guudlaawe wafdi ka socda Villa Somaliya iyo MW Cali Guudlaawe. Kulan hadda uga socda Guriga Cali Guudlaawe, Abdirahman Dheere, Kulane Jiis, Anas oo ah gacan yaraha Fahad iyo Mahad Osman G/xigeenka Baarlamaanka Hirshabelle ayaa looga arrinsanayaa kuraasta HOP#115 oo uu hadda ku fadhiyo Xildhiban Cali Balcad iyo HOP#70 oo haddan banana uuna ka geeriyooday Adan Moobleen.
Runtii waa xaalad cajiib ah in intaas loo kireeyo dayuurad si ay u soo musuq maasuqaan kuraas ay dadkooda rabaa inay iyaga u tashadaan. Waxaa wax lala yaabo ah in Madaxwayne Cali Guudlaawe o kala xaallo kuraas ay layhiin beello ka tirsan beel waynta Mudulood.
MW Cali Guudlaawe oo si Sharaf leh u qabtay doorashadii aqaka Sare tanna waxaa looga fadhiyaa inuu u qabto si Sharaf leh oo loogu tartarmo si furan, haddii kale waxay noqoneysaa godob iyo gef uu ka galayo labadaan beelood oo aan weligood wax dhib ah u geysan inay la shaqeeyaan maahee.
Hogaamiyaha dhabta ah waa kan rabbi aqaansado maalinta caddaallada looga fadhiyo oo ku libaana, una jilcin culeys kasta oo la saaraa waayo waxa ka weyn kan aakhiro uu kala kulmayo.