Breaking News: Ciidankii Erateriya ay Rahaamadda u Haysatay oo uu Farmajo Khasab ku Qirtay.

Reading Time: 2 minutes

MW Cusub ee Somaliya Xasan Sh Maxamuud ayaa waxaa uu shalay si adag ugu adkeystay inay  xilwareejinta si cad warbixinta ku saabsan ciidanka Dhallainyarada ah ee ku maqan Erateriya geeri iyo nolol waxa ay ku sugan yihiin.

MOL waxay ogaatay in MW Xasan Sheekh uu ku yiri Madaxdweynaha xilka wareejinayey inay muhiim u tahay shacbiga Somaliyeed,  waalidiintii caruurtaas dhalay oo muddo ooyey iyo isaga inay ogaadaan xaaladda ciidankaas. Farmaajo ayaa si adag uga hor yimid wuxuuna diiday in warbixinta lagu daro hasa yeeshee sida ay MOL ogaatay waxaa uu Madaxweynaha cUsuba Xasan Sheekh Maxamuud kuadkeystay:

  1. In wareegtada ugu hirreysa ee uu saxeexayo ay noqon doonto mid lagu baadigoobayo ciidankaas, waxa ay ku sugan, waxa ka nool iyo cidda gacanta ku haysa.
  2. Iuusan guddoomeyn warbixin aanay ku jirin xaaladda ciidankaas.

Farmajo ayaa isku dayey inuu ka meermeero inuu jawaab toos ka bixiyo arintaas una inkiro sidii ay samanayeen Taliyayaashiisa afartii sano ee la soo dhaafay. Hasa yeeshee MW Cusub ayaa u sheegay inuu ku weydiin doono fagaraha xilwareejinta haddii aanu ku darin warbixintiisa.

Taasi waxay dhashay markii ugu horreysay in laga war helo jiritaanka ciidankaas. Waxaa la sheegayaa in farxad ay hareysay waalidkii dhalay ciidankaas kadib markii uu maanta xilwareejintii kuqirtay Farmajo inay jiraan oo ay Erateriya ugu maqan yihiin tababar ay dhameysteen sannad iyo bar ka hor. Dad badan waxay iswiidanayaan maxaa keenay inay sannad iyo bar iyagoo dhameystay tababarkii ay halkaas u joogaan.

Hasa yeeshee,  cidi kama qarsana inay u afduban yihiin Afawerki iyadoo cutubyo ka mid ah lagu shubay sidii xaabo dagaalkii sokeeye ee Itoobiya, waxaana la arkay dhallinyaro Somaliyeed oo ay qabteen kooxihii la dagaalayey dowlada Itoobiya.

Isku soo duub Farmajo waa kaas, waxasa rabbi mahaddiis in talada laga wareejiyey iyadoo xabad dhicin, waxaana isla markiiba bilaabatay xallinta mid ka mid ah mushkiladaha uu abuuray oo ah in dhallinyaradii dalka laga iibiyo dal kale.

Farmajo waxaa uu:

  1. Dilay Daris wanaagii oo dalalka Jaar nala ah waxaa uu nooga dhigay cadow marka laga reebo Itoobiya iyo Erateriya.
  2. Iibiyey Kalluunkii dalka oo hadda la joojiyey dhamaan qabdaraasyadii uu ku iibiyey.
  3. Iibiyey dhallainyaradii dalka wax u baratay oo uu maanta qirtay inay ahaayeen marka la dirayey 5000 oo dhallinyaro ah, waxaana soo baxaysa xog sheegeysa in dhowr kun ay ku dhinteen dagaalkii Sokeeye ee Itoobiya, kadibna koox kale loogu daray  si qarsoodi ah si tirada loo ilaaliyo, waasa la ogaan doonaa marka ay dowladda Cusuab sameyso baaritaan dhab ah oo ka mid ah hawlaha ugu horreeya.
  4. Dilay Farmajo qiimihii iyo kalsoonidii lagu qabay ciidanka dalka Nooc kasta Sida NISA, Xooga dalka iyo Boliiska oo uu ka dhigay kooxo loo adeegsado dano gaar ah oo aan xataa shabaab iska daafici Karin iyaga, kuwaas oo aad maqleyso waxaa la xaafad hebla ay ciyaar bustoolada ku hubeysan askari xoogga dalka ah oo watay qoray ay hore uga sii qaaten waayo iyagii ayaan la aaminsaneyn oo hogaanka loogu dhiibay kuwa isaga u shaqeeya oo aan ku dhaqmeyn xeerka iyo aqoonta ciidanka ku shaqeeyaan.

Isku soo duub maanta waxay guulweyn u tahay shacbiga Somaliyeed oo dhan kadib markii uu MW Cusub Xasan Sheekh Maxamuud ku khasbay Farmajo inuu u qirto hooyooyinkii, aabayaashii, walaalihii, ilmihii iyo xaasankii laga watay raggooda Meesha la geeyey, waxaana MW Cusub laga rabaa inuu soo nabad celiyo inta nool sida ugu dhaqsaha badan.