Bosaaso: Qaraxyo lagu weeraray saraakiil ka tirsan ciidamada Puntland

Reading Time: < 1 minute
Waxaa  habeenkii xalay ahaa qaraxyo lagu weeraray guryo ay magaalada Bosaaso ka degan yihiin labba sarkaal oo ka tirsan ciidamada Puntland, kana mid ahaa ciidamada ka hawlgala buuraha Gal-Gala.

Qaraxaan oo u dhacay si darandoori ah ayaa  laga maqlay inta bgadan magaalada . Sida MOL loo ayaan geysan wax khasaare nafeeda hase ahaate waxay burbur xoogan u geysteen guryihii lala beegsaday.

Labadan qarax ayaa dhacay xili ay dadku hurdeen, waxayna kusoo aadayaan iyadoo Dawlada puntland waayadii u danbeeyey xooga saaraysay xaqiijinta amaanka magaalada Bosaaso, waxaana magaaladaas mudo billo ah ku sugan taliyaha ciidamada booliska Puntland General Muxiyadiin Axmed Aw-Musse.