Halgamaa Korneel Cabdikarin Shiikh (Qalbi Dhagax) aya waxa uu safar mahadcelin ah ku marayaa qeybo badan oo ka tirsan dhulka Somalida degto. Shacabka Somaliyeed oo qiiro ka muuqato ayaa si qalbi furan ah ugu soo dhaweeyay Qalbi Dhagax magaalooyinka Hargeysa iyo Boosaaso. Shacabka uu la kulmay ayaa u sheegay in ay aad uga xun yhihiin sidii fool xumadda lahayd ee RW Xassan Cali Khayre iyo kooxda isaga taageerto ay ula dhaqmeen marki laqabtay iyo qaabkii loo musaafuriyay.
Odoyashii uu kula kulmay magaalooyinka Boosaaso iyo Hargeysa ayaa u sheegay in ayan marnaba aqbali karin in shaqsigii ka mas’uulka ahaa Musaafurinta Qalbi Dhagax uu wali mas’uuliyad u hayo Shacabka Somaliyeed. Ugaas Xarago ayaa yiri “ Shaqsigii kuugu xiray Jig-Jiga xabsi ayuu ku jiraa, MW Farmaajo waaba hadii wadiniyad ku hartay qalbigiisa waa in uu sida ugu dhaqsiyaha badan leh u ceyriyaa Ra’iisal Wasaare Kheyre” Dhanka kale ganacsade Jamac Nuur (Jamac Dhigic) ayaa isna yiri “ Walaah baan Somali isku soo noqon ilaa ninkii mas’uulka ka ahaa dhoofinta halyeey Somali ah uu wali mas’uuliyad u hayo shacka Somaliyeed” waxa uu intaas ku daray “Baarlamaanka Somaliya waaba hadiiba dadnimo ku hartay, waa in ay karamaadii umadda Somaliyeed soo celinyaan oo RW Kheyre ka hor wareejiyaan shacabka Somaliyeed.
Dad badan ayaa aaminsan in ay qalad tahay in halyay Qalbi Dhagax uu Muqadishu tago inta uu RW Kheyre mas’uuliyad u hayo umadda Somaliyeed.