Borabogando laga soo abaabulay Villa Soomaaliya oo lagu burburniyo Somaliland

Reading Time: < 1 minute

Labdii maalin ee la soo dhaafay waxaa shacabka iyo dowlada Somaliland la galiyay qal-qal siyaasadeed kaas oo laga soo abaabulay Xafiiska Warbaahinta ee Madaxtooyada Soomaaliya.

Sida MOL ay u xaqiijiyeen qaar ka mida dhalinyaradii loo isticmaalay faafinta iyo ka been abuurka golaha wasiirada ee Somalinland, Xafiiska Farmaajo ayaa dhaqaale gaarayo $30,000 (sodon kun) ku qarashgareeyay abuuritaanka been abuur lagu xayeeysiinayo Farmaajo isla markaana lagula dagaalayo shacabka reer Somaliland.

Mid ka mida dhalinta loo soo dhiibay been abuurkaas oo magaciisa ku soo kooban “Mahad Yare ayaa yiri “qoraalkii u danbeeyay ee lagu sheegay in golaha wasiiradda Somaliland u codeeyeen imaatinka Farmaajo waxaa la nooga soo diray xafiiska Abdinor oo ah madaxa warfaafinta Farmaajo isaga oo nagu amray in aan warkaas  ku faafinyo baraha Bulshada”.

Ujeedada Farmaajo ayaa ahayd in uu qal-qal galiyo isla markaana isku diro shacabka reer Somaliland. Ma aha markii u horeeysay ee  uu Farmaajo iyo kooxaha la shaqaystaa ay baraha bulshda u istcimaalaan in ay kula dagaalaan shacabka reer Somaliland, horay ayaa ay u sameeyeen barnaamijyo la mida kuwaan oo kale .