Boqorka Sacuuudiga oo marti qaaday MW Muse Biixi

Reading Time: < 1 minute

Madaxweynaha Jamhuuriyada la magac baxday Somaliland MD Muuse Biixi Cabdi ayaa warqad u diray boqorka dalka Sucuudiga uga mahadcelinayay martiqaadka  uu boqorka horay ugu fidayay Madaxaweyne Muse Biixi in uu ku tago dalka Sacuudiga.

Qoraal uu  Madaxweyne Muse Biixi  u diray boqorka sacuudiga ayuu ku xusay xiriirka taariikhiga ah ee Somaliland iyo Sucuudiga ka dhaxeeya. Muse Biixi ayaa ka mida ah qaar ka mida madaxda Muslimiinta ee lagu martiqaaday gudashada Xajka sanadkan iyo kulan gaar ah uu boqorka  u sameeyay madaxda muslimiinta.

Madaxweyne Muse Bixi ayaa ka cudur daartay tagitaanka dalka Sacuudiga ee sanadkan isaga oo xusay sababaha keenay maqanaanshiiisa.

Sanadkii hore ayaa ay ahayd markii diyaarad qaasa loo soo diray madaxweyne ku xigeenka Soomaaliland Saylici isaga oo la siiyay soo dhawayn aad u heersaraysa.