Inta badan dadka ku nool dunida ayaanay u suuragelin inay badalaan magaca dal uu leeyahay, hasayeeshee Boqor Mswati ayaa arrintaas sameeyay.
Boqorkan ayaa ka mid ah boqorrada ugu awoodda badan caalamka.
Boqor Mswati saddexaad ee dalka Swaziland ayaa ku dhawaaqay inuu magaca dalkaasi u badelayo “Boqortooyada eSwatini”.
Boqortooyada ayaa magaca rasmiga ah uga dhawaaqday garoon kubadda lagu dheelo xilli uu socday debaaldegga sannad guurada 50-aad ee ka soo wareegatay markii Swazi heshay madax bannaanida.
Debaaldegyada ayaa sidoo kale waxa ay ku soo beegmeen sannad guurada 50-aad ee ka soo wareegatay dhalashada boqorka.
Magaca cusub ee eSwatini, ayaa waxa uu macnihiisu yahay “dhulka Swaziz”. Lama filayn in dalkaas magaca laga badelo, hasayeeshee Boqor Mswati ayaa muddo sanada ah waxa uu Swaziland ugu yeerayay magacan eSwatini.
Waana magacii uu boqorku adeegsaday markii uu 2017 khudbadda ka jeedinayay Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay, iyo weliba markii uu 2014 furayay baarlamaanka dalkaasi.
Hoggaanka Swaziland ayaa kooxaha u ololeeya xuquuqda aadanaha waxa ay ku dhaleeceeyaan inay mamnuuceen asxaabta siyaasadaha iyo in ay faquuqaan haweenka.
Debaaldegyada ayaa lagu xusayay sannad guuradii 50-aad ee ka soo wareegatay madax bannaanida dalkaasi iyo dhalashada boqorkooda
Boqor Mswati III, oo bartamaha taagan, ayaa waxa Swaziland xukumayay tan iyo 1986