Boqor Cismaan Aw-maxamed Buurmadow ayaa u muuqda inuu dib ugu noqday siyaasadda Somaliland oo uu in mudo ka ah ka maqnaa.
Boqorka iyo Ugaaska Guud ee beelaha Gadabuursi Ugaas Abdirashiid Ugaas Rooble iyo Siyaasiyiin uu ka Midyahay Cabdillaahi Maxamed Daahir Cukuse ayaa kulamo ku yeeshay Caasimadda Dalka Ethiopia ee Asia Ababa.
Kulamaddan ayaa Sida ay ilo xogogaal ahi tilmaamayaan lagaga wada hadlay sidii somaliland looga samata bixin lahaan Khilaafka siyaasadeed ee ay dalka galisay Xukuumadda wakhtigeedi dhamaaday ee uu hogaamiyo Muuse Biixi.
Waxaanu ku soo beegmayaa kulankani xili uu weli Somaliland ka taaganyahay khilaafka ka dhashay doorashooyinka ee ilaa haatan aan lahelin wax lagu daweeyo.