Boqor Buurmadaw oo saakay Muqdisho lagu soo dhaweeyay

Reading Time: < 1 minute

Boqor Cismaan aw Maxamuud (Buur madow), ayaa si weyn loogu soo dhaweeyey Magaalada Muqdisho, halkaas oo uu saaka ka degay. Boqor Buur madow, ayaa waxa ku soo dhaweeyey Madaarka Muqdisho, dadweyne tiro badan oo iskugu jira Siyaasiyiin iyo madax dhaqameed.

Buur madow, ayaa dhawaan isku daray liiska odayaasha sheegta in ay metelaan Somaliland ee Muqdisho laga ururiyo, si ay u soo xulaan Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Somalia.

Boqor Buurmadaw ayay isku wanaagsanayn Madaxwayne Muuse Biixi Cabdi, Isagoo Boqorku inta badan dhaliilo culus ujeediyay Xukuumada uu hogaamiyo Madaxwayne Muuse Biixi Cabdi.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!