Boqor Burhaan oo guriisa ku qabtay shir looga hadlayay taagerida dagaalka ka socda Laascaano

Reading Time: < 1 minute

Waxaa maanta magaalada Boosaaso kulan ku yeeshay Boqor Burhaan Boqor Muuse, Beeldaaje Cali Beeldaaje Faarax, Beeldaaje Cali Beeldaaje Salaad iyo wefdi ka socdey gobolada SSC oo uu hoggaaminaayo Garaad Cabdisalaam Xasan, kulanka ayaa ka dhacay guriga Boqorka, wefdiga waxaa ka mid ahaa guddiga SSC, Nabadoono, Xildhibaano iyo waxgarad kale.

Kulankan ayaa la isku xog-waraystey, waxaana looga hadley xaaladda ka taagan gobolka Sool gaar ahaan magaalada Laascaanood.

Boqor Burhaan oo ku hadlay magaca beesha Daarood ayaa sheegay in shacabka reer Laascaanood oo Difaacaya dadkooda iyo Dhulkooda si buuxda loo garab istaagyo.

Waxa uu ugu baaqay waxa uu ku sheegay “Ciidanka ku soo duulay” Gobolka Sool inay ku noqdaan halkii ay ka yimaadeen.

Boqor Burhaan ayaa sheegay in uu aad uga xun yahay waxa ka socda gobolka Sool, horayna uga digey cawaaqib xumada ay leedahay in xoog loo isticmaalo bulshada SSC ee aayaheeda ka tashanaysa, waxaana uu hoosta ka xariiqay in uu taageersan yahay go’aamadii ka soo baxay ismiada SSC.

Kadib kulanka ayaa Boqor Burhaan iyo ismiada kale wefdiga ka yimid SSC u sameeyeen qado sharaf, waxaana kulanku ku soo dhamadey is-af-garad.