Sida ay sheegayaan warar ka imaanaya magaalaada Boosaaso, waxaa baaqday oo dib u dhac ku yimid kulan gaarka ah oo uu codsaday Siciid Cabdullaahi Deni, kaas oouukucodsadhy in uu la kulmo Isimada uu hoggaaminayo, Boqor Burhaan Boqor Muuse.
Saciid Deni oo shalay gaaray magaalada Boosaaso ayaa sida la sheegay kulan gaar ah ka codsaday, Boqor Burhaan Boqor Muuse, balse Boqorka ayaa diidma ka muujiyay kulankaas. Isimada lixda ah ee hogaanka u haya qabiilada dega Gobololada Bari ayaan rumeysan in Saciid Deni yahay shaqsi aan la aamini karirin, talana aan lagu darsan karin.
Deni oo qaba dhaqan isla-weyni iyo qadarin la’aan xaga dhaqanka ah ayaa bilaabay qorshe uu ku booboya doorashada kuraasta taala Boosaaso, markaas ayuu hadana doonayaa in uu isku sawiro odayaashaas.
Saciid Deni ayaa doonayay in isaga iyo Boqorku ka wada-hadlaan arrimaha ku saabsan xallinta khilaafkii ka dhashay xilka qaadista Agaasimihii PSF, Maxamuud Cismaan Diyaano