Boqolaal qof oo ku islaamay Qadar iyo Koobka aduunka oo abuuray fursad?

Reading Time: < 1 minute

Sida uu sheegay Daaciga Dr. Faysal Al-Hashimi 558 qof ayaa ku soo islaamtay dalka Qatar iyadoo wali uu bilow yahay koobka aduunka. Dadkan soo Islaamay ayaa ka mid ah taageerayaasha kubafa cagta ee ka kala yimid daafaha caalamka.

Qatar aya marti gelinta ciyaaraha aduunka ka barbar wado muujinta iyo faafinta shacaa’irta islaamka taasoo si weyn loogu amaanay. Xarunta Martida ee dalka Qadar ayaa diyaarisay koox ka kooban 2,000 oo qof dadka ugu yeeraya Islaamka kuwaasoo ay ku jiraan culumaaudin caan ah oo uu ka mid yahay Dr. Zakir Naik

Dowlada ayaa sheegtay inaan marnaba garoomada lagu soo muujin karin wax u muuqan kara in lagu ceebeynayo Islaamka, iyo inaan la ogoleyn calamada  lagu muujiyo dadka isku jinsiga ah. Inta badan qolalka hoteellada, waxaa jira hab (system Barcode) soo bandhigaya barashada Islaamka, Axaadiista, iyo qeexitaannada kale  ee Iimaanka.

Qadar ayaa diiday khamriga, FIFA iyo dowladda ayaa ku dhawaaqay maalin ka hor inta uusan bilaaban tartanka, iyadoo meel walba lagu dhejiyey boorar waaweyn oo lagu xardhay aayado quraan ah iyo axaadiis ka turjumeysa wanaaga islaamka

taariikhda Koobka Adduunka ayaa markii ugu horreysay waxaa Aayado Quraan ah lagu furay xafladda furitaanka, waxaana la hakiyey xaflada markii la adaamay salaada cishaha, iyadoo dib loo bilaabay markii salaada laga soo baxay.