Boosaaso oo lagu qabtay xubno ka tirsan Daacish iyo Al Shabaab

Reading Time: < 1 minute

Howlagalo ay qaadeen Ciidamada amniga ee  dowladda Puntland ee  loo yaqaano PSFta ayaa magaalada Bosaaso  ku soo qab qabteen 6 qof oo kamid ah Argagixisada Al-Shabaab iyo Dahaacisho oo ku dhuumaalaysanayay mid kamid ah xaafadaha magaalada.

Sida uu sheegay Taliyaka ciidamada PSFta ayaa sidookale sheegay in ay gacanta ku dhigeen  sahay ay usideen xubnahan Argagixidada ku jirta Buuraleyda Galgala. Howlgalkan ayaa ku soo beegmay xili ciidamada xalay ay fashiliyeen qarax lagu aasay batamaha suuqa Bosaaso.

“Ciidanka PSF hawlgal ay xalay (19 June 2019) ka fuliyeen gudaha magaalada Bosaso ayaa waxay ku soo qabteen 6 xubnood oo ka kala tirsan kooxaha cadowga ah ee Al Shabaab iyo Daacish iyo agab iyo sahay loo waday kooxaha cadowga ah ee Al Shabaab iyo Daacish” ayay ku yiraahdeen qoraalka Facebooga.