Boosaaso oo lagu qabtay qamri badan oo laga soo dajiyay halkaas

Reading Time: < 1 minute

Sida ay sheegeen Ciidamada Booliiska Gobolka Bari ee maamulka Puntland saakay ayaa kantaroolka magaalada Boosaaso ku qabtay khamri fara badan, oo la doonayay in la geliyo gudaha magaaladaasi. Qoraal lagu daabacay barta Facebook-ga ee Taliska Qaybta Booliiska Gobolka Bari, ayaa lagu sheegay in ciidanku gacanta ku dhigeen khamrigan la doonayay, in si qarsoodiya lagu geliyo magaalada Boosaaso, islamarkaana ay wateen askari ka tirsan ciidamada.

Dhnaka kale taliska booliska ayaa sidoo kale sheegay in khamrigaan lagu soo qariyay caagaga saliida si aan loo moodin ,in ay ku jiraan dhalooyin khamri ah ayaa Hubin kadib waxa ay ciidamada ay ku guleesteen in ay gacanta ku dhigaan, waxaana soconaaya Baaritaano khamrigaas iyo cidii loowaday.

Taliyaha Qaybta Booliiska Gobolka Bari G/sare Xuseen Cali Maxamuud ayaa Ciidamada uga mahadceliyay dadaalkooda ku aadan qabashada waxkasta oo lidi ku ah amniga waxana uu sheegay in ay kula xisaabtami donaan cidwalba oo ay khuseeso in khamrigaan ay soo galiyaan magaalada Bosaaso.