Kulamadii labada Madaxweyne ee Kenya iyo Soomaaliya ee New Yorka iyo Addisababa oo ay dhexdhexaadiyeen Alsiisi- Masar iyo Abiy Axmed- Itoobiya, waxay ahayd wax lama filaan ah in kulanka sedexaad uu sidan dhakhso ah uga dhaco Kenya.
Madaxweyne Farmaajo waxuu ku gabbaday Shirka Qaramada Midoobay ee arrimaha Galamada iyo taranka caafimaadka dadka. Shirkaasi ma imaanin madax dawladeed oo heer Madaxweyne ah, Soomaaliyana waxay ahayd inayba matasho Wasiir Deqa Yasin, wasiirka arrimaha qoyska. Khudbada Madaxweyne Farmaajo ka jeediyay madasha ma ahayn mid nuxur leh, qadiyadda laga hadlayo ee buux dhaafa Galamada iyo taranka dadkana maba ahan mid Soomaalida khusyso xilligan.
MW Farmajo
Dhanka kale Madaxweyne Farmaajo waxaa u yaallo dalka howlo culus: Shabaabkii oo nolosha dadka ciriiri sii galiyay, Jubaland oo fara gelin weyn lagu hayo kuna dhow inay faraha dowladda ka baxdo, Puntland oo markii dowladda FS taageerayaahiisii looga adkaaday hogaaminta aqalka wakiilada hadda bilowday inay jufo jufo isku dirto, Galmudug oo uu soo qalay RW Khayre walina aan la tolin, fatahaadda wabiyada, shirqoolkii madaxda xisbiyada Qaran iyo caradii ka dhalatay intaas iyo howlo kale oo badan ayuu madaxweynaha ka safray dalka sidii aan waxaas oo dhan ay cid kale u yaallaan oo ay hawl u taalla mucaaridka, iyo iyadoo dalka ay maqan yihiin RW, Guddoomiyaha barlamaanka iyo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ayuu u baxay inuu ka qeybgalo shir heer wasiir ah oo looga hadlayo arrimo aan khuseyn Somaliya ee Galmada iyo Taranka Dadka.
Kulamo Qarsoodi ah
Sida soo baxday Madaxweyne Farmaajo waxa uu kulamo la qaatay madaxweynaha Kenya iyo saraakiil kale oo Kenyan ah, kulamadaas ma jirin cid ku wehlisay Madaxweyne Farmaajo oo Somaliya ka socota, iyadoo ay fadhiyeen saraakiil sare oo Kenyaan iyo ajnabi ahba. MW Farmajo Waxaa wejigiisa ka muuqday welwel badan iyo inaanu qeexi karin waxa uu dareemayo. Dowladda Kenya oo ka faa’iideysaneysa nuglaanta Mw Farmajo waxay u sheegtay waxaa uu saykolojigali markaas inuu maqlo uu diyaarka ahaa taas oo ahayd inay Kenya saaxiib la tahay, MW Uhurana uu yahay walaalkiis ayna diyaar u tahay inay garab istaagto haddii uu caddeeyo waxyaabaha culayska ku hayo.
Madaxweyne Farmaajo oo ay neefi kasoo boodday waxuu si farxad leh u sheegtay:
- in dowladda Soomaaliya khatar ugu jirto inay burburo, dalkana dagaal sokeeye ka dhaco.
- In Axmed Madoobe caqabad ku yahay dowladnimada Soomaaliyeed. in mucaaradku soo xoogaysanayo, kenyana gabbaad ka dhiganayaan iyo in Somaliland la aqoonsanayo. Barobogaandada, cagajuglaynta iyo cadaadiska dowladda Kenya ay ku hayso dowladiisana ay sii daciifinayso.
Madaxweyne Uhuru waxuu ugu jawaabay, arrinta Axmed Madoobe inay soo dhaaftay heerkii wax laga qaban lahaa, Kenyana culays amni oo xooggan uu soo fuulayo haddii Madoobe meesha laga saaro. Laakiin taas bedelkeeda ay iyagu damaanad qaadayaan in wax kasta oo Axmed Madoobe laga rabo uu fulin doono.
Markii Farmaajo la weydiiyay waxyaabaha ugu daranna waxuu sheegay in beeshiisa ay ku xaqiran tahay maamulka Jubaland iyo In Madoobe uu aqbalo qorshaha doorashada ee Farmaajo.
Somaliland
Kenyata waxuu caddeeyay inaan la aqoonsanayn Somaliland, laakiin shakhsiyaadka mucaaradka ah ee yimaada Kenya inay xor yihiin, sidii isagaba uu u degenaa Nayrobi xilli dheer asagoo mucaarad ah. Waxuu Kenyata kula kaftamay Farmajo soow ma dhici karto kuwa aad erya na leedahay inaay berri dalkiina madax ka noqdaan sida aad adigaba Madaxweyne u noqotay annaga ay abaalkaas noo hayaan?
Madaxweyne Kenyata waxuu aqbalay in Soomaalida safarka iyo fiisaha loo fududeeyo, siduu xaalku ahaa ka hor 15 kii Febraayo 2019. Hayadaha dowladda Soomaaliyana siminaaradooda ku qabsan karaan Kenya.
Labadaan arrimaood maaha kuwa cusub ee waa kuwa ay Kenya u joojisay inay cadaadis ku saarto MW Farmajo oo uu halkaan yimaado isagoo tuugtamaya waana yimid, waxaana looga saxeexay wixii ay Kenya rabtay.
Dacwaddii Badda
Markii xoogaa welwelkii ka degay Farmaajo ayaa la galay arrintii Badda, waxaana jiray wadahadallo hore u socday oo keenay in RW ku-xigeenka Soomaaliya Mahdi Guuleed, soo aqbalay dib u dhigga dacwada ilaa Juun 2020. Madaxweyne Farmaajo waxuu aqbalay in wadahadal labada dhinac raalli ka yihiin lagu xalliyo arrinta.
Sida caadiga ahayd Madaxweyne Farmaajo, waxuu diiday warmurtiyeed wada jir ah in la soo saaro iyo inuu cadeeyo mowqifkiisa arrimaha badda. Taas beddelkeeda dowladda Kenya ayaa soo saartay bayaan ay ku caddaynayso in Madaxweyne Farmaajo oggolaaday in arrinta badda lagu xalliyo habraac ay raalli ka wada yihiin labada dal. Kenya warqaddi la wada saxeexay waxay u dirayaan maxkamadda ICJ, taas oo ku filan in maxkamadda aaminto in labada dal wada hadal ku heshiiyeen oo aysan xukun ridin, waana surwaalkaaga oo laguugu qabsaday kadibna lagaa rabo inaad lug kamid u gooyso qofka kugu haysto adigana aad lugta kale la hartid.
Madaxda iyo Madaxtooyada Somaliya
Madaxtooyada Soomaaliya oo ka aamusan arrintan ayaa wajahaysa culays badan, haddii ay mucaaradka gudaha oo hadda soo xogeysanaya ababulin bannaanbaxyo iyo mooshinno ay barlamaanka geeyaan kuna codsadaan inay dowladda cadeeyso mowqifkeeda.
Waxayna u eg tahay dacwadda badda ay halkaas ku soo afajaranto oo ay Maxakamadda markii ay hesho waraaqda lawada qoray ay soo saarto qoraal ay ku sheegeyso in dacwaddii Somaliya qabtay dib loo dhigay muddo aan la cayimid oo ay dib uga wada hadlayaan labada dowladood, kuna dhameysan doonaan is afgarad ah xaal mastuur iyo badda Somaliya waa la wada leeyahay.
Ugu dambeyn MW Faramajo waxaa muuqata inay aad ugu adag tahay inuu xaaladdaan dalka ka saaro waayo tallaabooyinka qaar uu qaaday waxay noqon karaan marka sharciga la horgeeyo khiyaano Qaran. Waxaana laga yaabaa inuusan MW fahamsaneyn oo ay daacad iyo aqoon ka tahay waxa uu sameynayo. Waayo dal laguma hogaamin karo been, loomana dayici karo in dhul Somaliyeed uu noqdo dhul ay dal kale nala lahaadaan ama qeyb looga gooyo.
Sidaas darted Mudane Madaxweyne qofbaa ilaahay kaa dhigay ee iska Casil xilkan oo dalka badbaadi haddii sida aad aragtay ay Albaabada ka soo xermeen cid kale oo wax diidi kartaa waxna badali kartaa ha timee adigana ha laguu hayee abaalkaas badbaadinta ah. Nin ragi waa kan yaqaanna goorta ay talada ka xumaato oo mudanaato in laga tago. Haddiisa xoog iyo dagaal lagaaga qaado waa lagugu dhibaateyn karaa, dalkana waa ku burburayaa ee hadda tasho.