Booliska Somaliland oo xalay xabsiga u taxaabay Mustafe Martin

Reading Time: < 1 minute
Ciidamada Booliska Somaliland ayaa hotel-ka Cali Jirde ee magaalada Hargeysa ka qabtay Mustafe Martin oo dhawaan yimid dalka la magac baxay Somaliland.
Wararka ka imaanaya magaalada Haygeysa ayaa sheegaya  in boolisku ay saldhiga dhexe ee Hargeysa ku xireen Mustafe Martin oo ay soo qabteen. Ilaa hada lama cadayn sababta keentay in xukuumada Somaliland ay xirto Mustafe Martin.
Mustafa ayaa ah shaqsi ka hadla baraha bulshada, horayna u sheegay inuu isku soo sharxay madaxweynaha dalka Soomaaliya. Inta uu ka hadlayay baraha bulshada waxa uu si joogta u aflagaadeyn jiray madaxda dalka Somaliland.