Booliska Somaliland oo Rasaas La Dhacay Dad Shacab Aha

Reading Time: < 1 minute

Ciidamada Booliiska Soomaaliland ayaa rasaas khasaara dhaliyay ku furay dad shacab ah oo diidanaa iney ka Guuraan dhul ku yaala xaafad ka mid ah Magaalada Hargeysa ee Xarunta Soomaaliland.

Ugu yaraan hal qof ayaa ku dhintay in kabadana waa ku dhaawacmeyn sida ay xaqiijiyeen Saraakiisha amaanka ee Soomaaliland iyo Warbaahinta deegaanka.

Isku dhacyada Ciidamada iyo Shacabka ayaa ka dhacay xaafada Qurac dheer oo dhawaan Booqday Madaxweynaha Soomaaliland kadibna uu amray in laga Guuro xaafadaasi, waxaana dadka ay diidanaayeen iney ka Guuraan Xaafadaasi.