Booliska Magaalada Jowhar oo Gacanta ku dhigay Aabe Dilay Wiilkiisa

Reading Time: < 1 minute

Taliyaha Ciidanka Booliska Magaalada Jowhar Maxamed Siyaad Cali Canjeex ayaa sheegay in Ciidanka booliska ay gacanta kusoo dhigeen Aabaha wiilkiisa dilay oo laga qabtay Tuulo hoos timaada Jowhar.

Waxaa uu sheegay in shalay markii uu dilka geystay uu goobta ka baxsaday, islamarkaana howlgal ay sameyeen Ciidanka gacanta lagu soo dhigay.

Cismaan Ibraahim waxaa uu shalay galab wiilkiisii  curadka ahaa oo la oran jirey Ibraahim Cismaan Ibraahim uu ku  gowracay Jowhar.

Falkan naxdinta leh oo ka dhacay laanta Faanoole ee xaafada Horseed degmada Jowhar ayaa waxaa isla goobta ku geeriyooday Ibraahim Cismaan oo ahaa 14 sano jir.

Lama oga sababta keentay in aabaha dhalay wiilka dhalinyarada ah uu mindi ku dilo,waxaana falkan uu yahay mid ka mid ah falalka naxdinta leh ee soo mara magaalada Jowhar xarunta dowlad goboleedka Hirshabelle.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!