Booliska Kenya oo qabtay xubno katirsan Daacish oo ku sii jeeday Puntland

Reading Time: < 1 minute

Ciidamada ammaanka dalka Kenya ayaa gacanta ku dhigay saddex nin oo dhallinyaro ah ,kuwaa oo la sheegay in ay katirsan yihiin kooxda Daacish ayna doonayeen in ay tagaan deegaannada maamulka Puntland.

Warbaahinta dalka Kenya ayaa baahisay saddeexda nin ee la qabtay oo labo kamid ah walaalo yihiin kusii jeedeen Soomaaliya, gaar ahaan deegaannada Puntland oo kooxda Daacish saldhigyo waa weyn ku leeyihiin.

Saddexdan nin oo lagu kala magacaabo Ayub Bwanaadi oo 32 sano jir ah iyo Mohammed Bwanaadi oo 22 jir walaalo ah iyo Kassim Ahmed oo 29 jir ah ayaa lagu qabtay Ismaamulka Isiolo, xili ay kusii jeedeen  Mooyaale, 7-dii April .

Ragan la qabtay oo kasoo safray dalka Tanzaaniya ayaa sheegay in ujeedkoodu ahaa in ay usii safraan dalka Itoobiya oo ay uga sii gudbi lahaayeen dhinaca Soomaaliya si ay u tagaan Puntland uguna biiraan Daacish.

Kooxda Daacish ee Soomaaliya ka howlgasha ayaa saldhigyo ku leh dhulka buuraleyda Puntland gaar ahaan gobolka Bari, waxaana kooxdaasi marar badan ku biiray dhallinyaro ajaaniib ah oo ka tagay dalal kuyaalla Afrika.