Booliska Kenya oo gacanta ku dhigay nin looga shakisan yahay shabaabnimo

Reading Time: < 1 minute

Ciidamada Booliiska dalka Kenya qeybtooda loogu yeero la-dagaalanka Argagaxisada ayaa waxa ay xireen Nin lagu tuhmayo in uu xiriir la leeyahay Ururka Al-Shabaab,gaar ahaan kuwa dilalka qorsheysan fuliya.

Cabdu Xasan Yamaax, sidoo kalena loo yaqaan Somo Dubat Oukor, ayaa Booliska Kenya ku xireen Axaddii la soo dhaafay Magalada  Mandheera,iyada oo intaasi kdib la geeyay isla Maxkamada Magalada Mandheera ee Gobolka Waqooyi Bari dalka Kenya.

Hay’adaha Sirdoonka Kenya ayaa Cabdu Xasan Yamaax waxa ay ku sheegeen in uu ka tirsan yahay Al-Shabaab,sidaas daraadeedna Maxkamada Magalada Mandheere ay amar ku bixisay in mudo Shan Cisho ah Xabsiga lagu sii haayo.

Mid ka mid ah Saraakiisha Booliska la dagaallanka Argagixisada ee Kenya oo lagu Magacaabo Newton Mbogo ayaa sheegay in Ninkan uu yahay Soomaali balse uu heysto Aqoonsiga dalka Uganda,isla markaana ay uga shakiyeen in uu doonayay in uu dilal u geysto saraakiisha Ciidamada Kenya ee Magalada Mandheera.

Sidoo kale waxa uu sheegay in haatan uu socdo baaritaano ay ku hayaan Ninkaas,kaas oo ku saabsan sida uu ku helay Aqoonsiga dalka Uganda iyo qorshaha uu damacsanaa.

Ciidamada Booliska Kernya ayaa la feejigan weeraro kaga yimaada dhanka Ururka Al-Shabaab,kadib weerarkii khasaaraha badan dhaliyay ee lagu qaaday Hotelka  DusitD2 ee Magalada Nairobi dalka Kenya.