Booliska Britain oo sheegay in ay baarayaan dil loo geeystay wiil Soomaali ahaa

Reading Time: < 1 minute

Ciidamada Booliska dalka Britain ayaa bilaabay Baaritaanada dilka Wiil Soomaali ah oo lagu dilay dalkaasi maalin ka hor.

Wiilkaan ayaa lagu Magacaabi jiray Bashiir Cabdullaahi, waxaana da’diisa lagu sheegay 25 sano jir taksiile ah.

Sarkaal ka tirsan Ciidanka Booliska ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen ninkii ka dambeeyay dilka Bashiir, islamarkaana markii ay soo gabagabeeyaan baaritaanada ay la hadli doonaan warbaahinta.

Bashiir ayaa waxaa dilay nin ay guri wada deganaayeen, waxaana uu dilkiisa u adeegsaday Toorrey xilli uu Jiifay sidda ay sheegeen Soomaalida kunool dalka Britain.

Todoobaadkii hore ayay aheyd markii wiil Soomaali lagu dilay Magaalada London, waxaana sanadyadii ugu dambeeyay kordhay dilalka loo geysanaayo Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee kunool dalkaasi.