Booliska AMISOM oo soo booqday xarunta doorashada Jubbaland

Reading Time: 2 minutes

Qaybta booliska ee AMISOM ayaa maanta lagu martiqaaday in ay soo booqdaan xarunta ay dowlada Jubbaland ugu talagashay qabashada doorashads Madaxweynaha Jubbaland oo la filayo in ay ka dhacdo magaalada Kismaanyo mudo ka yar labo asbuuc.

Taliyaha Booliiska Jubbaland Col.Maxamed Naasir iyo taliyaha Booliiska Amisom qeybta Jubbaland ayaa kormeer ku tagey xarunta ay ka dhaceyso doorashada gudoonka Baarlamaaka iyo tan madaxweynaha Jubbaland .

Xaruntan oo ku taala kasoo horjeedka xarunta Baarlamaanka Dowlad goboleedk Jubbaland Ex-Caymiska ayaa amaankeeda waxaa sugaya Booliiska Jubbaland.

Dowlada Jubbaland ayaa ku casuuntay tiro kooban oo ka tirsan booliska AMISOM in ay qayb ka noqdaan ilaalada goobta doorashada maalinta ay dhaceyso doorashada.

Ciidmama AMISOM ayaa ku qancay in ciidanka Jubbaland ay ku filan yihiin ilaalinta amaanka ee magaalada Kismaanyo.