Booliska AMISOM oo loo magacaabay Taliye cusub

Reading Time: < 1 minute

Howlgalka Midowga Afrika ee Somalia (AMISOM) ayaa yeeshay taliye cusub oo boolis ah, Augustine Magnus Kailie, oo ka soo jeeda Sierra Leone, kaasoo Arbacadii soo gaaray magaalada Muqdisho si u bilaabo shaqada.

Taliyahan cusub ayaa ku hogaaminaya ciidamada booliska ee AMSOM inay qabtaan howsha loo xilsaaray ee ah tababarida, kormeerida iyo talo-siinta ciidamada booliska Soomaaliyeed, ayna taageeraan dadaalada xasilinta oo qeyb ka ah qorshaha xilliga kala guurka Somalia.

AMISOM waxay hirgelinaysaa qorshaha waqtiga kala-guurka, iyadoo howlgalka ay wadaan ay si tartiib-tartiib ah ay masuuliyadda amaanka ugu wareejinayaan ciidamada amaanka ee Somalia, ka dibna dalka ay uga baxaan sanadka 2021-ka.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!