Booliiska Somaliland oo soo qabtay nin Hargeysa dil-ka-geeystay

Reading Time: < 1 minute

Booliiska Somaliland ayaa gacanta kusoo dhigay Koox dhallinyaro ah oo tuug ah oo 14, 11, 2023 xaafada Masalaha ee Hargaysa ku dilay marxuum lagu magacaabi jiray Xasan Dacar oo 46 jir ahaa, iyaga oo ku dhuftay 9 midiyood.

Taliska Ciidanka Booliska Somaliland ayaa sheegay in gacanta lagu soo dhigay eedeysanayaasha dilka gaystay oo lagu kala magacaabo Xamse Cabdi Saleebaan oo 23 jir ah iyo Ayaanle Muxumed Xaashi  22 jir ah oo ku eedaysan  dilka.

Booliisku waxa uu sheegay in kadib markii ay dilka gaysteen in ay baadheen marxuum Maxamuud, iyaga oo qaatay mobile-kiisii gacanta kaasi oo uu booliisku marag muujin uga dhigay eedaysanayaasha.

Marxuumka la dilay ayaa ahaa darawal  ku shaqaysta gaaddiidka dadweynaha ee loo yaqaan Probox-ta, iyaga oo iska dhigay in ay ka kiraysanayaan kadibna dilay.

Booliiska ayaa sheegay in sidookale ay eedaysanayaashu, 3, 11, 2023kii ay dhaceen isla markaana ay dhaawacyo u gaysteen dhibane Mustafe Cali Cabdilaahi oo tagsiile ah, kaasi oo ay la tageen Qudbiga Sheekh Cumar ee Hargaysa.