Booliiska Puntland oo qabtay hoggaamiye shabakad lagu raad-joogay

Reading Time: < 1 minute

Ciidanka Booliiska Gobolka Mudug ee dowladda Puntland oo xalay hawlgal qorshaysan ka fuliyay xaafadda Garsoor ee magaalada Gaalkacyo ayaa sida la xaqiijiyay gacanta ku dhigay hoggaamiye shabakad ku caan ah ka ganacsiga Khamriga.

Saraakiisha Booliiska Gobolka Mudug ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in hawlgalka lagu qabtay saddex kamid ah shabakad ku caan ah Khamriga oo uu ku jiro hoggaamiyihii kooxdaas.

Saddexda nin ayaa xabsiga loo dhaadhiciyay si baaritaan loogu sameeyo waxaana hubkoodii la wareegay Booliiska. Shabakaddaas oo in mudda ah lagu raad-joogay ayaan qaarkood weli gacanta lagu dhigin sida ay sheegeen Saraakiisha Booliiska.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!