Booliiska Puntland oo gacanta ku dhigay qof loo eedaysan dilkii Cabdikaafi Cabdixafiid

Reading Time: < 1 minute

Booliiska Caasimadda Garoowe ayaa sheegay in gacanta lagu hayo afar qof oo ku eedaysan dilka marxuum Cabdikaafi Cabdixafiid Axmed Warsame.

Qoraal ka soo baxay Booliiska ayaa lagu sheegay in gacanta lagu hayo hal nin iyo saddex dumar ah oo ku eedaysan kiiska.

Marxuumka Cabdikaafi Cabdixafiid Axmed Warsame oo xalay lagu dilay Garoowe ayaa sida xaqiijiyay waxa dilkiisa loo adeegsaday toorrrey.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!