Booliiska Puntland oo gacanta ku dhigay gaari hub iyo saanad waday

Reading Time: < 1 minute

Booliiska Gobolka Bari, oo kaashanaya laamaha Sirdoonka Puntland, ayaa Boosaaso ku qabtay gaari lagu soo qariyay hub iyo saanad sharci-darro ah.Gaariga oo noociisu yahay ISKA-ROGO, ayaa lagu qabtay garaash la dhigay oo ku yaalla gudaha Boosaaso, sida uu sheegay askari ka tirsan Ciidankii qabtay.

Booliiska ayaa sheegay in Gaariga ciid lagu soo raray, si loogu qariyo hubka iyo saanadda saaran, balse Ciidanku xogtiisa hayay. Sidoo kale, wuxu sheegay in ay xog ka hayaan cidda mas’uulka ka ah Gaariga iyo meesha loo waday hubka, islamarkaana baaritaan dheeriya ku samaynayaan.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!