Booliiska Puntland iyo Galmudug oo hawlgal wadajir ah ka fuliyay Gaalkacyo

Reading Time: < 1 minute

Booliiska Puntland iyo Galmudug, ayaa xalay hawlgal wadajir ah oo lagu xaqiijinayo Amniga waxay ka fuliyeen labada daafood ee magaalada Gaalkacyo. Ciidanka oo iskaashanaya ayaa hawlgalkaas ka sameeyay xaafado ka tirsan waqooyiga iyo Koonfurta Gaalkacyo, sida ay xaqiijiyeen saraakiisha labada dhinac.

Hawlgalka waxa lagu qabtay dad kala duwan oo lagu tuhmayo falal amni-darro ah, kuwaas oo saraakiishu sheegeen in baaritaan lagu samaynayo. Labada mamul ayaa qorshaynaya in ay kordhiyaan wada shaqayntooda si meel looga soo wadajeesto kooxda Al Shabaab.