Booliiska Mudug ee Puntland oo gacanta ku dhigay meel khamri lagu sameeyo

Reading Time: < 1 minute

Booliiska Gobolka Mudug ee Puntland, ayaa gacanta ku dhigay laba kamid ah shabakadihii ugu weynaa ee Khamriga keeni jiray  ama ku sameeyn jiray gudaha Puntland. Saraakiisha Booliiska Gobolka Mudug, ayaa Puntland Post u xaqiijiyay in maalmihii la soo dhaafay gacanta lagu dhigay labada shabakadood oo in mudda ah lagu raad-joogay.

Shabakadda kowaad ayaa lagu qabtay degmada Jarriiban, halka shabakadda labaad lagu qabtay degmada Galdogob. Booliiska ayaa sheegay in dhammaan xubnihii shabakadahan iyo gaadiidkii ay ku hawl-geli jireen gacanta lagu hayo, islamarkaana dhowaan sharciga la marin doono.