Booliiska Canada oo gacanta ku soo dhigay dadkii ka danbeeyay dilka wiil Soomali ah

Reading Time: < 1 minute

Booliska dalka Canada gaar ahaan Booliiska magaalada Winnipeg ee waddankaas waxey xabsiga dhigeen laba qof oo ku eedaysan dilka wiil Soomaaliyeed. Marxuumka oo lagu magacaabi jiray Maxamed Yuusuf Abiikar ayaa magaalada Winnipeg sannad iyo hal bil ka hor lagu dilay xilli uu fasax ku joogay magaaladaas.

Lamaaha amaanka ayaa sheegay in dadka loo qabtay Kiiska dilka oo aan Soomaali ahayn ayaa loo hayaa dilka kuwaas oo gaaraya laba ruux. Sidoo kale  Booliska ayaa laga soo xigtay in baaritaan dheeriya lagu samaynayo labada eedaysane.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!