Boobkii ugu Xooganaa oo ka Socdo Gobolka Banaadir Iyo Gudoomiye Yariisoow oo Lacago Badan Qasnad Gooni ah ku Shubtay!!

Reading Time: < 1 minute

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho C/raxmaan Cumar Cusmaan”Yariisoow” ayaa waxaa uu si dardar leh ku wadaa boobka Hantida shacabka,waxuuna maalin walbo leexsadaa  dhaqaalle loogu tala-galay Acounka Gobolka Banaadir in ay ku dhacdo.

Bil walbo waxaa laga qadaa kaliya Moojo Bajaajta Lacag aad u fara-badan oo gaareeysa Min 18- doolar,taasi oo la rumeeysan yahay  in aysan ku dhicin qasnada Gobolka Banaadir oo inteeda badab lagu shubo Acoun uu gooni uleeyahay yariisoow.

Ku dhawaad 16,000 oo bajaaj ayaa ka shaeeysa Magalada Muqdisho kuwaasi oo laga qaado lacagta gaareeysa 18-bil walbo,Bishii kaliya ayaa waxaa kasoo xerooto,Lacag dhan $270,000

Shaqsiyaad ka shaqeeya Gobolka Banaadir ayaa waxaa ay durba bilaabeen in ay guryo waa weeyn ka dhistaan Magaalada Muqdisho taasi oo Cadeeyneeysa in Musuq maasuq xoogan uu jiro.

C/raxmaan Cumar Cusmaan (Yariisoow) oo la rumeeysan yahay in dhaqaalahaasi uusan kaligiis qaadan ayaa la ogsoon yahay in R/wasaare Kheeyre iyo Kooxda la shaqeeysata in ay kaalin lixaad leh ku leeyihiin Boobka xoogan ee socda.