Madaxda Dowlad Goboleedyada oo ka faa’iidaysanaya khilaafka ka soo cusboonaaday Farmaajo iyo Rooble ayaa dardar galiyay boobka kuraasta Aqalka Hoose oo loo balansanaa in looga hadlo Shirka Wadatashiga Qaran.
Sacadihii u danbeeysay ayaa dowlada goboleedyadu waxa y bilaabeen in ay soo saaraan liiska kuraasta Aqalka Hoose oo horay hakad loo galiyay, iyada oo loo balan sanaa in wax laga badalo habraaca doorashada dalka.
Su’aalaha isweydiinta u baahan waxa ay tahay, Waa maxay danta ugu jirta Midowga Mushraxiinta inay ku doodaan in la isugu yimaado shir Wadatashi Qaran mar hadii qodobadii laga shiri ahaa hawada lagu cunay?
Hadii Dowlad Goboleedyadu bilaabeen soo saarida kuraasta Aqalk Hoose ee lagu muran sanaa loogana hadli lahaa kulanka uu ku baaqay RW Rooble maxaa looga baahan yahay in loo qabto kulanka Wadatashiga Qaran?