Waxaa iyadoo awoodihii kala badalka shaqaalaha iyo adgaasimayaasha hay’adaha dowladda mar hore uu dakreeto ku saaray Faramjo ayaa hadda waxaa uu intaas hoosta ka waday inuu magacaabo wiilal iyo gabdho uu adeer u yahay.
Jarriiddada ugu afka dheer dalka Talyaaniga ee La Republica ayaa qortay maqaal ay cinwaan uga dhigtay “ Inqilaabkii ka dhacay safaaradda Soomaaliya ee ku taal badhtamaha magaalada Rome: Diblomaasi cusub oo muddo 20 maalmood ah ku xayiran xarunta. Wakiil dhawaan ( wakiil maaha danjire) la soo magacaabay Muqdisho Axmed Cadbiraxmaan Nuur oo uu adeer u yahay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa muddo 20 maalmood ah ku xayiran gudaha safaaradda Soomaaliya ay ku leedahay magaalada Rome ee degmada Prati, gaar ahaan via dei Gracchi.”
Wiilkaan ayaa safaaradda inta xoog ku galay jebiyey, qabsaday, kadibna wada badalay dhamaan furayaasha safaarada iyadoo aan weli xil lagu wareejin, magaaladana uu joogo safiirkii rasmiga ahaa ee dowladda Somaliya Danjire Cabdiraxman Sh Ciise.
Waa fadeexooyinka gudaha iyo dibadda dalkaba uu ka sameynayo Maxamed Cabdullahi Farmajo. Godaha waad aragteen dhibaatooyinka uu abuuray, waxaan hadda kula wadagayaa inta qof ee uu sida sharcidarrada ku geeyey safaaradaha dibadda.
Qabyaalada qaawan ee Farmaajo Bal adba arag.
1-Safiirka South Africa Mareexaan
2-Safiirka Qatar Mareexaan
3-Siihayaha Safiirka Imaaraadka Mareexaan
4-Safiir ku xigeenka Sudan Mareexaan
5-Safiir ku xigeenka China Mareexaan
6-Safiir ku xigeenka Malaysia Mareexaan
7-Safiir ku xigeenka Zimbabwe Mareexaan
8-Safiir ku xigeenka Tanzania Mareexaan
9-Safaaradda Ethiopia First secretary mareexaan
10- Addis Ababa Embassy Second secretary Mareexaan
11-Ethiopia Embassy, Commercial attachtee Mareexaan
12- Ethiopia Embassy, Cultural attache Mareexaan
13-Qunsulka Nairobi Mareexaan
14-Commercial attache Pakistan Mareexaan
15-First Secretary Kuwait Mareexaan
16-First Secretary Germany Mareexaan
17-First Secretary Switzerland, Mareexaan
18-Second Secretary India, Mareexaan
19-Second Secretary Turkey, Mareexaan
20-Second Secretary Cumaan, Mareexaan
Cidi ma diideyso ina beesha marreexaan ay xaq u leedahay inay safaaradaha ka shaqeeyaan laakiin waxaysan xaq u lahayn inay safaarada walba qof iyagaa uu joogo haddii kale safaaradda ma jiri karto. Tan kaligood kama soo bixin jaamacadaha lagu barto diplomasiyadda oo badankood xataa ma wataa diblooma shahaaddo iska dhaafe.
Dhinaca xusuusta arrinka noocan ah waxaa horay u sameyey dad ay si garab ah ku geysay safaaradaha dowladdii Maxamed Siyaad.
Markii ay dhacday dowladaas safaarado badan ayaa la bililiqeystay oo xaataa qaarkood guryihii safaaradda la iibsaday, Kenya oo aad si aad ah u xusuusataan dadaalkii uu galay Danjire Maxamed Cali Ameriko soo celintii gurigii Safaaradda, mahad haka gaartee ayaa ka mid ahaa guryaha dowladda ee sida sharcidarrada ah loo iibsaday. Sidoo kale guryihii safaaradahii aynu ku kala lahayn Swidhan iyo Mareykanka ayaa iygana horay u iibsadeen koox dii Maxamed Siyaad.
Kooxdaan Farmajo oo ay maalmo yar u hareen kama duwana oo sidii ayey hadda ka wadaan safaaro dhowr. Waxaana ugu dambeysay tan Rooma oo ay xoog ku qabsadeen welina ku dhex xeran yihiin 20 maalmood.
Danjire Cabdiraxman Sh Ciise waxaan ka Somali ahaan ka fileynaa inuu dadaalka ka joojinta ku sii wado inta ay dalka dowlad ka dhalaneyso oo uusan wax xil ah ku wareejin ruux haddaba safaaradda Inqilaab ku qabsaday oo jebsaday albaabadii safaaradda.
Tolow beesha Marreexaan ee Farmajo iyo Maxamed Siyaad miyaaney dalka nala lahayn maxay u sameynayaan wax kasta oo xun oo dadka Somaliyeed sharaftooda, amaankooda iyo nolohooda dhaawaca.