Boobka hantida qaranka iyo shidaalka Soomaaliya ee RW Kheyre & Wasiirkiisa Batroolka (Caddeeymo)

Reading Time: 5 minutes

Ilaa iyo markii uu burburka ku yimid dowladii kacaanka ee uu hogaaminayay Madaxweyne Maxamed Siyad Barre, waxaa dalka Soomaaliya ka jiray tartan  la doonayay in lagula wareego qeyraadka dabiiciga ah ee dalka Soomaaliya. Qorshaha lagula wareegayo qeyraadka Soomaaliya waxa inta badan hogaaminayay kooxo qowleysato ah oo ka gacansada beecinta qeyraadka dabiiciga ah  ee dalka Soomaaliya. Inta  badan kooxahan waxa ay dabada la galayeen  hogaankii dowladihii ku meel-gaarka ahaa iyo kuwii rasmiga noqdayba.

Boobka hantida qaranka waxaa ay soo xogeeysatay markii uu hogaanka xukuumada  Soomaaliya gacanta u gashay  Ra’iisal Wasaare Xassan Cali Kheyre oo horay u iibiyay ceelasha lagu tuhmayo in ay ku jiraan shidaalka  dabiiciga ah qeybihiisa kala duwan. Isaga oo isticmaalayo shirkadda SOMA OIL oo uu isaga madaxda ka ahaay  ayaa waxaa baaritaanka iyo soo saarka qeybo ka mida shidaalka Soomaaliya gacanta loo galiyay shirkado iyo kooxo ajnabi ah.

Ma aha kaliya in RW Xassan Kheyre  iyo xukumadiisa ay shirkado qaasa qandaraasyo  ku siyeen ka faa’iideysiga shidaalka Soomaaliya  laakiin waxa ay dhanka kale heshiisyo cusub  oo qarsoodi ah la galeen  shirkadihii sida sharciga ahaa heshiiska ula galay dowladii kacaanka ee Maxamed Siyaad Barre. Shirkadahaas ayaa waxaa si sharci ah oo waafaqsan xeerarka caalimiga ah iyo kan Soomaaliya loogu wareejiyay ceelal lagu tuhmayo shidaal. Waxaana loo xilsaaray in ay ka howlgalaan baaritaanka iyo soosaarida shidaalka deegaano badan oo ka tirsan dalka.

Ujeedadda dib loogula xiriiray shirkadahaas aya waxa ay salka ku heysaa in dhaqaale ka baxsan heshiisyadda dowliga ah laga qaado shirkaddaha. Hadaba waa maxay sababta keentay in heshiis qarsoodi ah  dib loola galo shirkada Pecten/Shelloo ka mid ahayd shirkadihii  heshiiska rasmiga ah la galay dowladii Kacaanka? Maxaa keenay in lacag hordhac ah oo aan ka tarjumaynin heshiiska labada dhinac laga qaado shirkadda Pecten/Shell?.

Lacag lagu sheegay in ay tahay kiro laga qaadayo dhulkii horay loo siiyay shirkada Pecten/Shellayaa waxa xukumadda Soomaaliya kula heshiisay in Pecten/Shellin ay bixinayso  kiro lagu  jaangooynayo  Shillin Soomaali  oo qiimahiisa lagu saleynayo  qiimihii uu joogay shillin Soomaaliga  sanadkii 1988. Shirkadda Pecten/Shell waxa lagu amrey in ay lacagta lagula heshiisyay ay ku  shubto koonto ka furan Bangi gaar loo leeyahay oo ku yaalo dalka Turkiga.

Hadaba waxaa is weydiin mudan sidee buu  heshiisk shidaalka  ku yimid maxase dan Soomaali ah ku jirta?

  1. Horaantii dabayaqadii sanadadii sideedtamaadkii (1980) waxaa jiray qaabab ay shirkadaha shidaalka baara ay wax soorka shidaalka kula qeybsan jireen dowladaha ay heshiiska la galaan. Waxa ay heshiisyadu  ku saleysnaayeen waxa  afka qalaad lagu yiraahdo (concession) oo micanaheedu ahaa heshiis xadidan oo ku saleysan qaabka bixinta,  kireynta ama stcimaalka dhulka qeyraadku ku jiro. Heshiiskaan ayaa leh waqti xadidan oo ay labad dhinac kuwa heshiiyaan.
  2. Labaatankii sano ee la soo dhaafay waxa isbadalay qaabka wadamadda ula galaanheshiiska  shirkadaha gaarka ah ee baara islamarkaana saara qeyraadka dabiiciga ah. Qaabka heshiisyada loo galo waqtigan casriga ah waxa loo yaqaanaa qeybsiga dheelitiran ee wax soo saarka. Qaabkaan ayaa waxaa afka qalaad  lagu yiraahdaa (production sharing agreement PSA). Waqtigaan xaadirka ah heshiiska noocaan ah ayaa  caalamka oo dhan laga wada isticmaalaa.
  3. Sanadki 1988 ayaa dowladda Soomaaliya heshiis la gashay shirkadda pecten/Shell,heshiiskaas ayaa u ogalaaday  shirkadan in ay la wareegaan  ceelal (blocks) ku yaala  xeebaha kuwaas oo lagu magacaabay M3 ilaa M7.
  4. Horaantii sagaashaamadkii (1990) ayaa shirkadda Pecten/Shell, waxa ay hakisay qorshihii soosaarida shidaalka taas oo ay sabab u ahayd dagaalkii sokeeye ee dalka ka qarxay. Shirkadda Pecten/Shellayaa isticmaashay qodob ka mida qodobada uu dhigayay heshiiskii ay la gashay dowladda Soomaaliya kaas oo sheegayay in shirkadda Pecten/Shellay hakin karto qodista iyo baaritaanka  shidaalka hadii ay timaado xaalado ama  daruufo aan suuragal ka dhigi  karin in shaqadii baarintaanka socoto. Xaalada noocaan ah waxaa afka qalaad lagu yiraahdaa “force majeure”.
  5. Iyada oo laga qarinayo xubanaha Golaha Wasiiradda iyo iyo Golaha Baarlamanka  ayaa Wasiiradii ka horeeyay wasiirka batroolka Cabdirashid Maxamed Axmed waxa ay qoraalo u direen shirkadihii   ay dowladda Soomaaliya heshiisyo horay ula gashay ka hor  inta uusan dhicin burburkii dowladda Soomaaliya.
  6. Inkastoo shirkadda Pecten/Shell ay hakisay baritaanka iyo soo saarida shidaalka hadana waxa heshiiska labada dhinac ka mid ahaa in  shirkada ay bixiso lacago kiro ah oo u suuragalinaya in shirkadda Pecten/Shellay sheegato lahaanshaha ceelasha M3 ilaa M7.
  7. Shirkada Pecten/Shelllacago ay si joogta u bixin jirtay  ma jirto iyada oo sabab ka dhigatay in ay ayan jirin dowlad Soomaali ah oo ay lacag ku wareejiyaan ama ay ku aamini kartaan.
  8. Shirkadda Pecten/Shell oo ilaashaneysa danaheeda gaarka ah ayaa sheegatay in ay bixinayso lacag   ay ku  qiyaastay $61,000 (lixdan iyo hal kun) sanadkii. Lacgtaan ayaa ah  lacag iyagu go’aansadeen in ay bixiyaan laakiin aan ka tarjumeynin xaqiiqda rasmiga ah ee heshiiska labada dhinac.
  9. Shirkadda Pecten/Shell waxa ay la xariirtay dowladda Soomaaliya taas oo ay ka codsatay in lacagaha yar ee oo ay sheegteen in lagu leeyahay ay bixiyaan si ay u xaqiijiyaan lahaanshaha ceelasha kor ku  xusan
  10. Bishii Sibteenbar 21keedii ee sanadkii 2017, waxaa magaalada Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta ku kulmay madaxda Shirkadda Pecten/Shell iyo Wasiirka Wasaaradda Batroolka SoomaaliyaCabdirashid Maxamed Axmad. Kulankaas ayaa waxaa labada dhinac ku heshiiyeen in shirkadda Pecten/Shell bixiso lacagta ay iyada sheegatay oo ay ku  qiimeysay $1,708,000 (hal  milyan, todobo boqol  iyo sideed kun) oo ah  qiimaha kirada ceelsha mudo  28 sano ah. Taas oo ka soo bilaabanayso  bishii Janaayo 1deeda, sanadkii 1991 ilaa iyo bisha Diseenbar 31deeda ee sanadka 2018.
  11. Dowlada Federaalka Soomaaliya ee uu hogaamiyo Madaxweyne Farmaajo ayaa ogolaatay in ay ay ku kireyso ceelasha shidaalka Soomaaliya qiimo ah $61,000 sanadkii taas oo u dhiganta $5,008 (shan kun iyo sideed doolar) bisihii.
  12. Dowlada Fedaraalka oo ay ka muuqato deg-degsiimo, baahi badana u qabto in ay lacagtaas yar gacanta ku dhigto ayaa waxa ay shirkadda Pecten/Shellsiisay ogolaasho ah in ay aqbashay  qiimeeynti ay soo jeesiday shirkadda. Wasiirka Batroolka dowlada Soomaaliya ayaa ku wareejiyay shirkadda Pecten/ShellKoontoBangi ku yaala dalka Turkiga.
  13. Qoraal ay shirkadda u soo qortay dowladda Soomaaliya horaantii sandkan aya ay ku sheegtay in ay sidi lagu heshiiyay ay lacagtii la isku afgartay ku shubeyso Bangiga ay dowladda Soomaaliya codsatay in lacagta loogu shubo.

Haddaba waxaa wax lala yaabo noqotay in Pecten/Shellay tiraahdo waxaan Bangi ku yaalo dalka Turkiga  idinkugu soo shubaynaa lacag dhan 1.7 Milyan, halka haddii dowladda Soomaaliya ay la gasho heshiiska  noociisa loo yaqaabo production sharing agreement PSA ay Soomaaliya u soo xaroonayso lacag kor u dhaafeyso $500 oo Milyan.  Qasab kuma aha Dowlada Fedaraalka Soomaaliya in ay ogolaato qiimeynta ay soo jeedisay shirkadda balse waxa ay la imaan kartay qiimeyn rasmi ah oo ka tarjumeysa rabitaanka Dowladda Soomaaliya.

Su’aalaha isweydiinta u baahan ayaa ah: Maxay Dowladda Soomaliya u ogolaatay qiimeynta ay shirkadda Pecten/Shell iyadu soo sameeysatay? Maxay Dowladda Soomaaliya u shaqaalayn weyday qareeno caalami ah oo u dooda xaquuqda Soomaaliya? Maxaa keenay in Wasiirka Wasaaradda Batroolka  kaliya uu la kulmo shirkada heshiisna uu u soo qaatay  Soomaaliya isaga oo aan wadan qareeno iyo qubaro ka tala bixisa heshiiskaas? Maxaa loo siiyaya shirkada Pecten/ShellKoonto, Bangi oo ku taala dalka Turgiga? Maxaa talabadaan qaldan  looga tala galin waayey Gudiga Baarlamaanka oo ay quseeyso arintaan? Maxaa keenay degdegta ah in lacagta lagala wareego shirkaddaPecten/Shell?

Su’aalaha kor ku xusan iyo qaar kale oo la  mida ayaa u baahan in labada Gole weydiiyaan Xukuumadda. Labada gole iyo shacabka Soomaaliyeed waa in ayan marnaba ogolaanin in hantida umadda Soomaaliyeed la dhaco.

Halkan ka aqriso qoraaladda cadeynta u ah boobka hantida qaranka oo dhan:

Draft agreement_27 July 2018

Somalia prior licenced blocks and new blocks (5000sq km)_PatricksMap_July 30 2012[3]

Somalia Notice of Suspension 13 dec 1990

Somalia Concession agt English1

Somalia Concession agt English

HINDISE SHARCIYEEDKA BATROOLKA 2017 FINAL FINAL

Petroleum Law 2017 FINAL FINAL(1)

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!