Xulashada lix ka mid ah kuraasta golaha shacabka ee gobollada waqooyi ayaa saakay ka dhacday magaalada Muqdisho, waxaana ku kala guuleystay xubnaha kala ah: Xulashadaan ayaa la qabtay wax ka yar saacad taas oo muujineysa in aan dalkaan doorasho ka jirin laakiin uu socdo boob iyo kala tuurasho.
1- Hop#215 – Ayuub Ismaaciil Yuusuf
2- Hop#214 – Cilmi Maxamuud Nuur
3- Hop#056 – Maxamed Jaamac Mursal
4- Hop#231 – Isxaaq Maxamed Mursal {Fanax}
5 – Hop#245 – Cabdiraxmaan Axmed Suge
6- Hop#247 – Khadra Maxamuud Raage.
Warbaahinta madaxa banaan ayaa saakay loo ogolaan in ay goobta tagaan oo ay soo tebiyaan doorahada Golaha Shacabka BFS gaar ee Gobolada Waqooyi.
Waxaana mar qura saakay lagu soo waabiriistay Qeeybo kamid wadooyinka Muqdisho oo xiran, taas oo sida saraakisha amaanka shegeen aheeyd mid lagu xaqiijiyay Amaanka Doorashada ka dhaceyso Dugsiga Gen, Kaahiye.