Boobka Dhulka oo aad uga socda Muqdisho kahor inta aanu XASAN xilka la wareegin

Reading Time: < 1 minute

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Maxamuud Maxamed (Finish)ayaa wada qorshihii ugu danbeeyay ee lagu cabirayo dhulka danta guud ee magaalada Muqdisho, kahor inta aanu xukunka la wareegin madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Ciidamada maamulka degmada Dharkeynley ayaa howlgal burburin ah labadii maalmood ee tagay ka waday Suuq-yaraha degmada Dharkeynley, iyadoo la sheegay in qorshuhu yahay in dhulka uu ku fadhiyo Suuq-yaraha la banneeyo, kadibna la cabiro oo la iibiyo.

Waxaa la burburiyey kawaankii Suuq-yaraha iyo qeybo ka mida Guryo ay degan yihiin Dadweyne, waxaana arrintan ka hor yimid dadka halkaasi degan oo ciidamo taageersan u yeertay, kadibna halkaasi ka saaray ciidamadii Degmada ee burburinta waday.

Dadweynaha halkaasi degan ayaa madaxweynaha cusub ka dalbaday inuu arrintan soo farageliyo, iyadoo sheegay in maamulka degmada Dharkeynley, Gobolka Banaadir iyo dowladii dhacday ay boobayaan dhulkooda.

Dhinaca kale Cumar Filish oo ay wehliyaan xildhibaannada beeshiisa iyo Nabadoonka ayaa shalay salaan ugu tegay Madaxweyne Xasan Sheekh, waxaana la sheegay inuu ujeedkiisu yahay inuu xilka Guddoomiyaha Gobolka Banaadir sii joogo, tan oo xanuun ku ah Bulshada Xamar.
Madaxweynaha cusub ayaa u ayaa laga sugayaa weliba si degdeg ah  inuu saxo taarikhaha khaldan ee dhulka boobka Muqdisho, iyadoo horay ayu jireen in boobka dhulalka iyo hantida ay guud ahayd astaan muddo dheer soo jirtay.
Cumar Finish waa inuu baxaa inta uusan magalada dhulkeeda Finish ka dhigin.